Muhaajiriinta sharci darrada ah ee ku nool Maraykanka ayaa wajahaya tallaabooyin adag oo dhallin kara in dalkaasi laga mustaafuriyo.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in tallaabooyinkan marka hore lagu beegsan doono muhaajiriinta aan sharciga haysan, isla markaana dembiyada galay.
Waxa si la mid ah uu maamulka cusub u bartilmaameedsan doonaa dadka uu u arko in ay khatarta ku yihiin ammaanka Maraykanka ama kuwa ku takri falay kaalmada ay dawladda ka helaan.
Haseyeeshee boqolaal kun oo carruur ah oo si sharci darra ah lagu soo galiyay Maraykanka, ayaa loo ogolaan doonaa in ay dalkaasi sii joogaan, iyadoo la tixgelinayo sharci uu horay u saxiixay maamulkii Obama.
Waaxda ammaanka guddaha ayaa ku tala jirta in ay shaqaaleysiisato toban kun oo boolis dheeraad ah, si ay u meelmariyaan tallaabooyinkan cusub.