WAFTIGA WASAARADDA WAXBARASHADDA EE NAIROBI

Waftiga ka socda Wasaaradda Waxbarashadda iyo sayniska ee uu hogaaminayo wasiirku oo weli ku guda jira hawlihii ay dalka Kenya u tageen oo ujeedada ugu weyn socdaalkoodu ahayd in deeq bixiyeyaasha Somaliland xagga waxbarashadda ka taageera uu waftigu la wadaago qorshaha horumarinta waxbarashadda iyo mudnaanta Somaliland ee 5 sano ee soo socota ayaa la kulmay deeq bixiyeyaash kala ah.

1. Xafiiska Midowga Yurub oo sidoo kale xidhiidhiye ka ah barnaamijka Horumarinta Waxbarashadda Adduunka ee loo yaqaano GPE.

2. Hay’adda Maraykanka u qaabilsan taageeradda caalamiga ah ee loosoo gaabiyo USAID.

3. Baanka Adduunka (World Bank).

4. Laanta dalka Ingiriiska u qaabilsan horumarinta dibadda iyo barwaaqo sooranka ee magaceeda loo soo gaabiyo FCDO.

5. Safaaradda Denmarka oo waftigu kala hadlay taageerada DANIDA ee waxbarashadda Somaliland.

Waftiga ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona dalka Kenya siina wadan doona hawsha ay u joogaan dalkaasi Kenya.