Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay kulan ku saabsan caqabadaha caafimaadka dhallinyarada u qabatay dhallinyarada Gobolka Sool

 

Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxay kulan u qabatay dhallinyarada Gobolka Sool, kulankan ayaa waxay kasoo qayb dhallinyarada Gobolka iyo maamulka gobolka.

Kulankan oo laba cisho socday waxa lagu lafo gurayey guud ahaanba caqabadaha caafimaadka dhallinyarada iyo sidii ay uga fogaan lahaayeen, inta badan dhallinyarada Gobolka Sool ayaa waxay tabayaa hor u marka ka socda Somaliland taasi oo baahi wayn u qabaan waxqabad la taaban karo.

Tababarkan ayaa waxa iska kaashaday Wasaarada Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Ha’yada Qaramada Midoobay ee UNFPA.

Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxay guud ahaan kulamadan u qaban doontaa dhallinyarada Somaliland taasi oo wasaaraddu ku lafo guri doonta xaaladaha dhallinyarada Somaliland.

bandhige@gmail.com