Wasaaradda Dhallinyaradu waxay qabatay shir saddex biloodle ah oo lagu eegayo xaaladda horumarineed da’yarta Somaliland

Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland ayaa maanta huteelka Maansoor ee Hargeysa ku qabatay shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen ururrada iyo hay’adaha ku hawlan wax-qabadka la xidhiidha arrimaha dhallinyarada Somaliland, kaas oo loo yaqaan “Somaliland Youth Sector Coordination Meeting.”

Waxa xafladdii furitaanka ka qayb-galay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Yuusuf Cismaan Garas, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Dhallinyarada Cabdirashiid Caydiid iyo Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada ee Wasaaradda Dhallinyarada Sayid Cumar.

Wasiir Yuusuf Cismaan Garas oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda waxa haddalladiisii ka mid ahaa;

“Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisku waxay diyaar u tahay in ay si dhammaystiran ula shaqayso ururrada iyo hay’adaha ku hawlan wax-qabadka dhallinyarada. Waxayna doonaysaa in ay ka war hayso wixii hadba ay ururradu soo kordhiyaan si ay u jirto wada-shaqayn iyo wada-xisaabtan ku salaysan horumarin. Waxan idinka codsanaynaa in wax-qabadkiinu ku salaysnaado siyaasadda heer qaran ee dhallinyarada Somaliland.”

Madaxda xukuumaddu waxay dhallinyarada ka dhagaysteen wax-qabadkii saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxayna ku booriyeen in dhammaan wixii la qabanayaa ay la jaan-qaadaan siyaasadda heer qaran ee dhallinyarada Somaliland.

Intii uu shirku socday waxa wax-qabadkoodii soo bandhigay isla markaana su’aalo laga waydiiyey in ka badan 20 isugu jira ururrada waddaniga ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku hawlan horumarinta dhallinyarada.

Bandhige@gmail.com