Wasiir Biixi wuxu ka hadlay warqaddii Wikileaks

“Waxba kama jiraan warkaas, shacabka Somaliland-na waxa ay goosteen madaxbanaani” sidaa waxa yidhi Wasiirka Dibedda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo beeninayey warqad maalmihii ugu dambeeyey buuq siyaasadeed ka aloostay Somaliland.

Wasiirku wuxu sheegay in aanu jirin haba yaraatee heshiis dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Somaliland ku qaadatay nidaamka federaalka sannadkii 2012-kii.

“Iska daa heshiis xukuumaddani gasho’e waxay joojisay wada-hadalladii Soomaaliya kadib markii dhinaca kale lagu soo daray dad u dhashay Somaliland. Arrintan mucaaridku keeneen waa mid qaranka duminaya sumcaddiisana wax u dhimaya” ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Warqad dhawaan laga soo saaray mareegta siraha runta ah fidisa ee Wikileaks ayaa laga soo saaray warqad laga diray safaaradda Sucuudiga ee Jabuuti loona diray isla xukuumadda Sucuudiga. Warqaddaas waxa ku dhignaa in Somaliland, Puntland iyo dawladda Soomaaliya ay isla waafaqeen nidaamka federaalka. Hase ahaatee warqaddu ma soo bandhigayso caddaymo muujinaya jiritaanka heshiiska sida saxeexyo rasmi ah ama cidda labada dhinac go’aannada u jartay.

Mucaaridka Somaliland ayaa ka faa’iidaystay warqaddan oo duufaano siyaasadeed ku kiciyey xukuumadda hadda jirta, taas oo sababtay in ay ka jawaabaan Wasiir Xirsi, Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee hore, Af-hayeenka Madaxtooyada, Guddoomiyaha Kulmiye iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee hadda Maxamed Biixi Yoonis.

 

bandhige@gmail.com