Wasiir-xigeenka caafimaadka iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka qayb galay shir lagaga hadlayo arrimaha caafimaadka

Wefti uu hoggaaminaayey wasiir-xigeenka caafimaadku oo ku sugan Nayroobi maalintii labaad ayaa ka qayb galay shir lagaga hadlayo arrimaha caafimaadka gaar ahaan nadaafad-xumada dhalata wakhtiyada roobabka.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen waddamo badan oo ay ka mid yihiin Kiiniya, Simbaabwe, Somaliland  iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid lagu soo qaaday lagagana arrinsanayey arrimaha caafimaadka gaar ahaan xanuunnada faafaha xilliyada roobabka iyo sidii laysaga kaashan lahaa daryeelka bulshada.

Sidoo kale waxa shirkan ka soo qayb galay ha’yadaha Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka.

Ingii uu shirku socday waxa la isla qaatay bulsho kasta oo meel ku dhaqan in lagu dhiiri galiyo nadaafadda degaankooda si ay u helaan caafimaad iyo deegaan bed qaba.

image (1)

bandhige@gmail.com