Wasiir-xigeenka Warfaafinta oo Tababar u Furay Suxufiyiinta Dalka

Wasiir-xigeenka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Siciid Xasan Habane ayaa tababar u furay suxufiyiin ka kala socday dhamaan goboladda dalka.

Tababarkan oo lagu baranayey hanaanka wareysiga bulshada xaaladaha xasaasiga ah, wadajirna u soo qabanqaabiyeen Ururka Suxufiyiinta SOLJA iyo UNSOM ayaa masuuliyiin kala duwan oo kulanka ka hadlay ku dheeraadeen muhiimada laga doonayo suxufiga inuu u raaco xilliyada xasaasiga ah shaqadiisa.

Gudoomiyaha SOLJA Md Sakariye Axmed Muxumed oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in tababarkani daba socdo kii dhamaadkii December suxufiyiintu hore u qaateen ee la xidhiidhay sida looga waramayo xaaladaha khilaafka.

Anna Maria. Madaxa Xafiiska Istiraatijiyadda Wada xidhiidhka ee UNSOM oo hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in xogtu marka ay gaadho bulshada saamayn ku yeelanayso, loona baahan yahay inaynu ka fiirsano inta ay gacmaheena ku jjirto.

Charles Muwunga Ku simaha Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in tababarkani ka yimid shaqadii wanaagsanayd ee aan wada qabanay bishii December ee sanadkii hore.

Wasiir-xigeenka Warfaafinta Md. Siciid Xasan Habane oo tababarka furay ayaa kula dardaarmay suxufiyiinta ka qeybgalay inay shaqadooda ku dabakhaan aqoonta ay korodhsadaan, waxaanu sheegay,

“Qofku markasta oo u doono inuu shaqada uu qabanayo aqoon ku dhiso, adeega uu bixinayo waxuu noqdaa mid uu naftiisa iyo bulshada ku anfaci karo” ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Aqoontu waxa weeyi markasta oo xaraf kuu kordho, xarafkaasi wuxu ku tusa nusqaaanta kugu jirta’’ Md. Sciiid ayaa ku bogaadiyey Hay’adda UNSOM aqoonkorodhsiga ay suxufiyiinta dalka u fududeysay.

Xigasho Wargeyska Dawan

bandhige@gmail.com