Wasiiradda Wasaaradaha Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ee Somaliland, Md.Axmed Maxamed Diiriye iyo Itoobiya, Dr Fitsum Assefa Adela ayaan kulan ku yeeshay magaalo Madaxda Dalka Ethopia ee Addis Ababa .

Wasiirada ayaa Mudadii kulankooda uu Socday ku gorfeeyay iskaashiga Caalamiga ah ee dhinacyada qorshaynta iyo horumarinta labadda dal ee Ethopia iyo Somaliland.

Waxaanay Labadda wasiir isla qaateen inay soo magacaabaan gudiyo farsamo oo wadada u jeexa geedi socodka heshiiska labadda dhinac.

Wadashaqayn iyo Iskaashi heerkiisu Sareeyo oo dhex mara Ayaa Wasaaraddaha iyo Hayadaha Kala Duwan ee Dawladaha Dalalka Somaliland iyo Ethopia ayaa Xoojin doona Horumarka Iyo Xoojinta Xidhiidhka Labada Dawladood.

Kulanka waxaa labadda wasiir ee Wasaaraddaha Qorshaynta iyo Horumarinta ee Labada Dal ku wehelinayay Kuxigeenka danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Barkhad Kaariye