Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland oo ka Qayb galay Munaasibad ay ku Qalin-jebinayeen Arday Xifdiyey 30-ka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah. (Sawiro)
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa ka qayb galay Munaasibad ay ku qalin-jebinayeen Ardayd wax ka bartay Madarasadaha qodaal ee koonfurta Gobolka Gebilay isla markaana xifdiday 30-ka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah .
Waxa Munaasibadaa kasoo qayb galay Maamulka Gobolka iyo ka degmada gebilay , Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada ,Culimo ,Xildhibaano iyo Marti sharaf kale.
Sh. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo munaasibadaas hadal ka jeediyey ayaa Hambalyeeyay ardaydii xifdiday Qur’aanka ,macalimiinta wax soo bartay iyo waalidiintii kusoo tabcayba.