Wasiirka Duulista oo xadhigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hir galiyey maddaarka Laascaanood

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxaamuud Xaashi Abdi oo uu ka mid yahay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryaynta Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo booqasho ku jooga Laas-caanood ayaa xadhiga ka jaray mashariicyo horumarineed oo laga hirgaliyay maddaarka Laas-caanood.

Weftigan ayaa xadhiga ka jaray 1900 mitir oo Caro kaawo cusub oo dhabadda diyaarada maddaarka Laas-caanood laga hirgaliyey.

Sidoo kale waxay weftigu ku wareejiyeen maddaarka Laas-caanod laba gaadhi oo midi yahay dab-damis iyo gaadhi shaqaalaha maddaarka in uu soo guro loogu talo galay.

Waxa kale uu weftigan dhagax dhigay dhismayaal cusub oo xafiisyo iyo meel dadka dhoofayaa ku nastaan oo laga dhisi doona maddaarka.

Ugu horeyn waxa ka hadlay xafladan dhagax dhigida dhismayaasha cusub iyo xadhig ka jarida dhabadda diyaarada oo caro tuul ah Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi waxaana hadaladiisii ka mid ahaa

“Runtii farxad weyn ayey saaka ii tahay, shaqsi ahaan iyo guud ahaanba waftigayaga halkan marayey in aanu munaasibadan ka soo qayb galno, furitaanka dib u casriyayanta madaarka Laas-caanood oo runtii kaalin muhiim ah kaga jira halbowlaha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan Gobolka Sool magaalo madaxdiisa Laas-caanood, garoonkaas oo u baahnaa in heerkii uu joogo kor looga qaado, maqaam fiican la gaadhsiiyo si loo adeegsan karo, badqabka iyo nabad-gelyadiisana la sugi karo, maadaama waxa ka dagayaa ay yihiin dad iyo diyaarado.”

Sidoo kale waxa uu wasiirku u mahad-naqay shirkadii dhistay iyo ejineeradii ka qayb qaatay dhismaha iyo cidkastoo ka qayb qaadatay dhammaan howlahaas.

Sidoo kale waxa uu ka sheekeeyey in marka la dhisayo maddaar loo baahan yahay samir badan isagoo xusay in uu mari doono marxalada kala duwan.

Sidoo kale waxa uu xusay in maddaarkan loo dhisay Laas-caanod ee aan loo dhisin gobolo kale oo loo baahan yahay in adeegsato bulsha weynta ku dhaqan Gobolka Sool, wuxuuna balan qaday in maalin ama dhowrkii maalmood ay iman doonto diyaarad.

Ugu danbayntii waxa ka hadlay Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Cabdirsaaq Khaliif Axmed oo sheegay in furitaanka dhabadda ay ku soo kordhin doonaan wixii agab ah ee ay ku shaqayn lahaa haday noqon lahayd gaadiidkii dab-damiska, gaadhiigii shaqaalahu fuuli lahaayeen, iyo Shaqaalihii ka hawal gali lahaa oo Wasiirku xusay.

Isagoo ka hadlaya arrimahaasna waxa uu yidhi:

“Dhismayaashii kala duwanaa oo aynu dhagax dhignay, ama ha noqoto kuwii ay adeegsan lahaayeen, oo waad ogtihiin oo waxaan Garoon looga maarmayan shidaalkii ay diyaaraduhu adeegsan lahaayeen, oo aynu dhagax dhignay meeshii laga dhisi lahaa, iyo Guryihii iyo xafiisyadii ay ku shaqayn lahaayeen shaqaalaha Wasaaradda Duulista iyo Hawadu, iyo Shaqaalaha kale ee looga baahdo madaarka, oo tusaale ahaan ay ku shaqayan karaan oo ay qayb ku yeeshaan, Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadu iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arimaha Guduhu, in Wasaaradda Ganacsigu ay qayb ku yeelato oo Hay’adihii Dawliga ahaa ee aan laga maarmayn oo dhami ay qayab ku yeeshaan.”

Maddaarka Laas-caanood ayaa waxa beryahan danbe ka socday dib u hahayn casri oo lagu dhamaystirayo adeegyada maddaarku bixiyo.

dab damis
Dab-damis iyo Gaadhi Noah ah oo maddaarka Laas-caanood lagu wareejiyey
xadhig ka jarid ah
Dhagax dhigid dhismayaal cusub ee maddaarka Laas-caanood

bandhige@gmail.com