Wasiirka Gaashaandhiga JSL Oo Kormeer Ku Tagay Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Ee Fuguxo, Lughaya Iyo Lawyo-Caddo

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid), oo ay weheliyo hogaanka hawl galinta ciidanka qaranka JSL iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaarada gaashaandhiga ayaa u kuur galay hanaanka iyo xaalada ciidanka qaranka JSL ee fadhiisimadoodu yahay deegaanka xeebta ee dhaca dhanka waqooyi ee kaasi oo uu habeenimadii xalay wasiirku kormeerkiisa ka bilaabay deegaanka Fuguxo oo ay dagan yihiin Ururka ciidanka qaranka ee HORSEED, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey taliyaha guutada 18aad ee ciidanka qaranka Gaashaanle Dhexe Baashe Fanax, iyo shacbiga deegaankaasi.

Geesta kale waftiga wasiirka oo safarkiisa sii watay ayaa subaxnimadii saaka waxa ay ku waa-beriisteen xarunta degmada Lug-haya ee fadhiisinka ciidanka qaranka Guutada 18aad, waxaana fatiga wasiirka halkaas  ka jeediyeen khudbad ay ku dhiiri galinayaan askarta guutadaasi oo badi u badnayd.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha Saldhiga 1aad ee ciidanka qaranka JSL Gaashaanle Sare Yuusuf  Iiman Diiriye waxaanu ku soo dhaweeyey waftiga wasiirka iyo hogaanka hawl-galinta ciidanka qaranka JSL fadhiisinta ciidanka qaranka ee degmada Lughaya oo ay dagan yihiin Guutada 18aad ee ciidanka qaranka, waxaanu sheegay in ay ciidanka qaranku yahay laf-dhabarta Somaliland waxa kale oo uu sheegay in ay ku farax san yihiin kormeerka uu wasiirka gaashaandhigu ku yimid fadhiisinka ciidanka qaranka ee degmada Lug-haya.

Taliyaha hawlaginta ciidanka qaranka JSL Gaashaanle Sare Axmed Hure Haariye oo la hadlayey Fadhiisimada Ciidanka Ee Fuguxo, Lug-haya iyo Lawyo-cado ayaa sheegay in uu salaam uga sido ciidanka qaranka JSL Taliyaha ciidanka qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani, waxa kale oo uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta soo kormeero xaalada ay ku sugan yihiin ciidanka qaranku.

Geesta kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Maayirka Degmada Lug-haya iyo Gudoomiyaha gobolka Salel kuwaas oo si isku mid ah u soo dhaweeyey waftiga wasiirka gaashaandhiga JSL ee  u kuur galaya xogogaal u noqoshada xaalada ciidanka qaranka JSL.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay isaga oo maraya dhamaan sadexda goobood ee kala ah Fuguxo, Lug-haya iyo Bariisle(Lawyo-caddo) Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Cateeye(Fariid), oo si weyn uga mahad naqay ciidanka qaranka Jamuuriyada Somaliland oo uu ku tilmaamay madaalayaal hawlaha qaranka qayb libaaxle ka qaata waxa hadaladiisii ka mid ahaa’’ Waxaad tihiin geesiyaal qaranku ku faano oo qayb libaaxle ka qaatay dhisida iyo dhawrida Jamuuriyada Somaliland waxaanan idinku amaanayaa sida wanaagsan ee aad uga shaqaysaan ilaalinta amniga iyo xoolinta xidhiidhka ciidanka iyo shacabka’’Ayuu yidhi wasiirka Gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateey(Fariid).