Wasiirka H. Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa Maanta Daahfuray Kulan Lagu Qiimanayo Waaxaha Dakhliga ee Kastamada Iyo Cashuuraha Barriga ee bilaha January ilaa June 2020.
Kulankan qiimaynta ah ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Muuse Ibraahin Salaf, Agaasimaha Guud Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimayaasha Waaxaha Dakhliga ee Kastamada iyo Cashuuraha Bariga.
Sidoo kale Munaasibadaas lagu qiimeynayey ย Waaxaha Dakhliga ayaa ย ka qabsoomay Hotelka Grand Haadi, iyadoo uu socon doono ย kulankaasi Mudo laba Maalmood ah, islamarkaana Maamulayaasha Kastamada iyo Cashuuraha Bariga ee Gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa halkaasi kasoo jeediyey Warbixino ku Taxaluqa Waxyaabihii u qabsoomay Lixdii bilood ee u danbeeyey iyo sidoo kale Caqabadihii dhaqaale ee la soo darsay ee COVID 19-ka sababay.
Halkan Kala Soco Goordhaw Muuqaalka kulankaasi.
Waaxda X/Dadweynaha & Xogta W.H. Maaliyadda JSL.
www.slmof.org/som.slmof.org
Email: Info@slmof.org