Wasiirka Madaxtooyada oo gurigiisa ku boqday weriye Cabdiqaadir Maxamed Ciid “Bay” oo xaalad caafimaad u jiifa

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa maanta gurigiisa ku booqday weriye Cabdiqaadir Maxamed Ciid.

Wasiirka oo ka hadlay booqashada weriyaha ayaa waxa uu yidhi:

“Walaalkeen waxaynu ugu nimid in aynu la wadaagno duruufta uu ku jiro, Suxufiyiinta kale ee goob jooga ahna waan u mahad naqayaa, isagana waxana Ilaahay ugu baryayaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo, Ilaahay ayaa cudurka keena isagana caafimaadka bixiya, Ilaahay ayaan caafimaad kaaga rajaynayaa, waxaan kuu dardaarmayaa samir iyo dulqaad.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Suxufiyiintu waxay ka mid yihiin dadka shaqooyinka Qaran haya waana waajib in la daryeelo noloshooda, inkasta oo aynu nahay Qaran iska itaal yar, hada intaa aynu hayno ayeynu yabyabanaa.”

Dhanka kale waxa uu wasiirka u mahad naqayaa ragii masuuliyiinta ahaa ee warka Cabdiqaadir Madaxtooyada keenay, waxaanu sheegay isaguna uu yahay wakiil Madaxweyne warkaasna gaadhsiin doona xaalada Cabdiqaadir.

Waxa kale uu Maxamuud Xaashi xusay in uu Cabdiqaadir mudan yahay in la kaalmeeyo, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Cabdiqaadir waa kuwa ugu mudan kaalmo, bahda Saxaafadda waa in la daryeelaa, Ilaahay dartii ayaanu ugu nimid, iyo masuuliyada dalka naga saaran is-tus iyo ujeedo kalena kama lihin, Aroorta laga bilaaba hawshiisa waanu bilaabaynaa, Madaxweynaha waan u tagayaa caawa, wax kasta oo lala qaban kara waanu la qabaynyaa, sidaas ku niyad samow, dee dal iyo Qaran ayaad leedahay iyo saaxiibo badan. Ilaahay-na caafimaad ayaan kaaga rajnayaa.”

bandhige@gmail.com