Guddiga doorashada Yugaandha ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in Yoweri Museveniuu ku guuleystay doorashadii dalkaasi.
Yoweri Museveni ayaa mar shanaad qabanaya xilka madaxtinimada ee dalka Yugaandha oo uu ka arriminaayay 30kii sano ee la soo dhaafay.
Guddiga doorashada waxaa ay sheegeen in Museveni uu helay inta badan codadkii la dhiibtay oo gaadhaya boqolkiiba 63.
Natiijada hordhaca ah waxa ay muujineysaa in uu helay in kabadan boqolkiiba 60% codadkii la dhiibtay.
Ninka ugu tunka weyn mucaaridka Kizza Besigye ayaa waxa uu helay 34%.
Jo Leinen oo ka mid ahaa goob-joogayaasha Midowga Yurub ula socday doorashooyinka Yugaandha ayaa waxa cambaareeyey sida ay u dhacday doorashadii Khamiistii ka dhacday ee Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka.
Kizza Besigye oo ah ninka mucaaridka ugu tun weyn ayaa waxa uu diiday natiijada ay ku dhawaaqeen komishanka doorashooyinka Ugaandha.
Doorashada Yugaandha ayaa waxa hadheedhey qalalaase iyo muran xoogan oo Midowga Yurub iyo Maraykanku walaac weyn ka muujiyeen.