Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Kormeeray Mashruuca Dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta ee Hargaysa. 

Hargeysa:(WHG/DH&G)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Mustafe Maxamuud Cali Bille iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta kormeeray dhismayaal lagu kordhiyay Dugsiga Farsamada gacanta ee Magaaladda Hargaysa. Dhisman ayaa waxa hir-galinaysa Hay’adda GIZ, kaas oo ay Wasaaradda Hawlaha Guud si joogto ah u kor-joogeyso in dhammaan qeybaha Dhismuhu waafaqansan yahay Heer-Tayeedka ay Wasaaradda Hawlaha Guud u dajisey Dhismayaasha Dalka laga dhisayo.

Wasiirka iyo Xubnaha Wasaaradda ee wehelinayey, waxa halkaasi kusoo dhaweeyay Maamulka iyo Hawl-wadeenada Dugsiga Farsamada Gacanta, waxaanay xog-warran buuxa ka siiyeen halka uu dhismuhu marayo iyo qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ,Mustafe Maxamuud Cali Bille oo halkaas ka hadley ayaa si qoto-dheer u faah-faahiyey Mashruucan Farsamada gacanta iyo Faa’iidada balaadhan ee Shacabka reer Somaliland u yeellan doono, waxana si gaar ah ugu mahad-celiyey Hay’adda Jarmalka ee GIZ, taas oo lacag gaadheysa 10 Milyan oo Dollar Mashruucan oo qeybo kala duwan ka kooban ku Maal-galineysa.

-DHAMAAD-

ALLAA MAHAD LEH

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala Xidhiidh;

Xafiiska Warbaahinta,

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.

E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com

Website: https://mopwh.govsomaliland.org/

Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/

Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/

Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand

Youtube: https://www.youtube.com/channel/Ee