Waxaa meelo badan oo deegaanada dalka Itoobiya si weyn looga soo dhaweeyay heshiiska taariikhiga ah ee isticmaalka badda cas ee ay gaadheen Itoobiya iyo Somaliland.

Ismaamulka magaalada Diri-dhaba oo ka mida meel ay shacabku sida diiran usoo dhaweeyeen heshiiskan ayaa waxay shacabka magaalada Diri-dhaba ay sheegeen in guushani ay ku timid dadaalka iyo iskaashiga dhinaca dibloomasiyadeed oo uu sameeyay ra’iisal wasaarada dalka Dr. Abiy Axmed islamarkaana ay si buuxda usoo dhaweynayaan heshiiskan.

Sidoo kale qaybaha kaladuwan ee bulshaweynta magaalada Dase oo isugusoo baxay waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi ayaa dareen farxadeed ku muujiyay taageerada heshiiska taariikhiga ah ee ay gaadheen Itoobiya iyo Somaliland.

Qaar ka mida shacabka magaladaasi oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Itoobiya ay helayso rabitaankeedii ahaa isticmaalka badda cas, waxayna intaasi raaciyeen in kasakaw waxtarka dhanka dhaqaale ee uu dalku helay ay sidoo kale arrintani door balaadhan ka geysanayso nabadgalyada iyo xasiloonida wadamada mandaqadan, waxaa sidoo kale meelaha kale ee sida weyn loogasoo dhaweeyay heshiiskan ka mida Deegaanka Benishangul.