Weftigii uu hoggaaminayey Cirro waxay la kulmeen masuuliyiinta Ha’adda USAID

Weftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Waddani oo weli ku sugan dalka Maraykanka eekanka ayaa waxay kulan la qaateen  n mas’uuliyiinta hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Maraykanka ee loo yaqaan USAID. Madaxda ay Guddoomiyaha iyo weftigiisu la kulmeen waxa ka mid ahaa Agaasimaha waaxda Bariga Africa Ryan Washburn, Madaxa Arrimaha Dimuqraadiyadda Tomas Bridle iyo u-qaybsanaha USAID ee Somalia iyo Somaliland.

Arrimaha kulankan lagu gorfeeyey waxa ka mid ahaa caawimada ay dawladda Marykanku siiso Somaliland ee dhinacyada, dhaqaalaha, dhismaha dawladnimo, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka. Madaxda USAID ayaa hoggaanka weftiga Waddani u sheegtay in ay caawimada ay siiyaan Somalida ay 30% ka mid ah toos u siiyaan Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa mas’uuliyiinta USAID u gudbiyey codsi ah in ay kordhiyaan deeqda ay siiyaan Somaliland, isaga oo weliba ka codsadey in la gaadhsiiyo deeqdaa illaa 50%, Guddoomiyaha iyo weftigiisu waxa kale oo ay hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta ka codsadeen in deeqahaas xoogga la saaro arrimaha ay ugu horeeyaan, horumarinta dhallinyarada, shaqo la’aanta iyo abaaraha, iyada oo uu halkaas ugu faahfaahiyey dhibaatada ay shaqo la’aantu ku hayso da’yarta Somaliland.

Dhinaca kale waxa kulanka lagu gorfeeyey sidii ay dawladda Maraykanku uu sii wadi lahaayeen kaalmada ay ka geysato dhinacyada doorashooyinka, taagerada dhismaha xisbiyada qaranka iyo adkaynta dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxa xusid mudan in xubnaha weftiga ee ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo uu hor-kacayo Guddoomiyuhu ay si gaar ah shir ula galeen waaxda takhasusaadka baarlammaannada ee USAID iyaga oo u soo bandhigay baahiyaha Baarlamaanka iyo in ay arrimaha farsamo ka taageeraan (technical Assistance) Baarlamaanka Somaliland.

Ugu danbeyntii, madaxda hay’adda USAID ee kaalmada caalamiga ah u qaabilsan dawladda Maraykanka ayaa ka garaabay isla markaana ballan-qaaday in ay kordhin doonaan kaalmada ay siiyaan Somaliland, iyaga oo tix-gelin dheeraad ah siin doona codsiyada weftigu u soo gudbiyeen. Kulankanina waxa uu ku soo dhammaadey is-af-garad iyo jawi guul ah.

bandhige@gmail.com