Weftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Waddani oo gaadhay Bali-dhiig

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Waddani ahan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Cirro” oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolka Togdheer ayaa waxay maanta gaadheen degmada Bali-dhiig.

Ujeedada socdaalka weftigan ayaa waxa uu daaran yahay in ay dadweynaha reer Togdheer ku dhiiri gelinayaan sidii ay isku diwaan-gelin lahaayeen iyo ka kormeerida si ay diwaag-gelintu u socoto.

Guddoomiye Cirro oo la hadlayey dadweynaha Bali-dhiig ayaa waxa uu u baaqay in ay qaataan kaadhka diwaan-gelinta codbixiyaha oo hadda ka socota guud ahaan gobolka Togdheer.

Kormeerka weftigan ayaa la filayaa in ay soo kormeeri doonaan deegaanada ay ka socoto diwaan-gelinta ee gobolka Togdheer.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweyne ee doorashada soo socoto ayaa safar ku soo kormeereen diwaan-gelinta ka socota Gobolka Togdheer.

 

bandhige@gmail.com