Mudaharaado isku-dhacyo sababay oo ka bilowday Tuuniisiya

Dibed-baxayaal dalbanaya shaqo abuuris, horumar iyo baadhitaan lagu sameeyo musuq lagu eedeeyay saraakiisha maamulka oo ka bilaabmay Kasserine oo u dhow xadka Tuuniisiya la wadaagto Aljeeriya ayaa waxay ku fideen deegaano kale oo tirsanaya dalkaasi.

Mudaharaadada ayaa waxay xalay ku fideen dhinaca Caasimadda Tuunis oo ay booliska iyo dibed-baxayaashu iskaga horyimaadeen jidadka waaweyn.

Kasserine ayaa waxa lagu soo rogay xaalad degdeg ah ka dib markii ay isa-soo tareeen mudaharaadadu.

Sannadkii 2011-kii ayaa waxa xukunka lagaga tuuray xukuumaddii uu hoggaaminayey Zine Al-Abedin Ben Ali oo xukunka muddo badan hayey.

Booliska ayaa waxay sheegeen in rabshadahani ay gilgileen qaybo ka mid ah Tuuni, iyadoo la arkayey dad bililiqaysanaya xarumaha ganacsiga oo markii dambe isku dhaceen booliska oo ka difaacayey bililiqaysiga.

Sida ay xaqiijisey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in  dhinaca koonfureed ay  dibad-baxayaashu gubeen laba saldhig oo boolis iyo todoba gaadhi.

Maamulka hadda dalkaasi ka arrimiya waxa uu codsanayaa in waqti la siiyo si ay isbedel ay u sameeyaan xeerarka qaar si wax looga qabto shaqa la’aanta heerkeedu sareeyo ee Tuunisiya.

bandhige@gmail.com