Madaxweyne Siilaanyo oo kulan la yeeshay Madaxda laamaha Xukuumadda

Madaxweyne Axmed Maxamed “Silaanyo” ayaa maanta waxa uu Qasriga Madaxtooyadda shir isugu yeedhay madaxda laaamaha xukuumaddu, kuwaas oo iskugu jiray xubanaha Golaha Wasiirada, Agaasimeyaasha guud, Gudoomiye-yaasha iyo Maayeeyeyaasha Hay’adaha madaxa bannaan iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Shirkan ujeedadiisu waxay ahayd in war-bixin laga dhagaysto Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray (03.12.2015) in ay xog buuxda  ka soo ururiyaan sicir-bararka dalka ka jira isla markaana ka soo talo bixiyaan wixii arrintaa lagu xallili karo.

Dhinaca kale, dulucda shirku waxa uu ahaa in xukuumaddu ay ka wada hadasho doorka kaga beegan kor u qaadidda kalsooonida, aaminaada iyo isticimaalka lacagta shilinka Somaliland iyo ka hortagga qiimo dhaca lacagta Somaliland.

Furitaankii shirka Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta xukuumadda u sheegay in dal kasta uu leeyahay calan iyo astaan u gaar oo dunida lagaga dir sooco. Astaamaha Qarannimada waxa ka mid ah lacagteenna taasoo ah shilinka Somaliland, sidaa darteedna ay Dawlad ahaan waajib inagu tahay in la ilaaliyo qiimaha lacagteena.

Madaxweynuhu wuxuu si adag u sheegay in ay tahay wax laga xumaado in aynu ummad ahaan ku kalsoonaan weyno lacagtii Qarankeena, oo xataa shaqaale weynihii iyo madaxdii Dawladdu ee mushaharka ku qaadanayey ay isticmaali waayaan lacagta dalkeena ama ay ka door bidaan lacag qalaad.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrintaasi tahay mid aan la aqbali karin oo aan dib loogu dulqaadan doonin. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta xukuumadda u sheegay in isticmaalka, qiime u yeelidda iyo aaminaada lacagteenu ay tahay tallaabada iyo yoolka ugu mudan ee ay xukuumaddu higsanayso sidii loo xaqiijin lahaa.

Fulinta iyo hir gelinta qodobada iyo talooyinka ay soo jeediyaan Guddida talo-bixinta sicir-bararku waa siyaasad Qaran oo u baahan in si buuxda oo dhammaystiran la isu garab taago. Sidaa darteed, Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta sare ee xukuumadda ku adkeeyey in ay hormuud ka noqdaan meel-marinta go’aamadaasi, kuwaasoo dabagal lagu samayn doono.

Halkan hoose ka daawo warka kulanka Madaxweynaha ee Madaxda Laamaha kale duwan ee xukuumadda:

kulankii Madaxweynaha 3 kulankii Madaxweynaha 4 kulankii Madaxweynaha 2

bandhige@gmail.com