Axmed Xasan Cawke oo Jigjiga ku geeriyooday, laguna aasay Wajaale

Waxa magaalo-madaxda Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ku geeriyooday Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa ruug-caddaaga sxaafadda Soomaalida.

Rabbi ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cawke waxa uu muddo ka badan 40 sanno ku soo dhex jiray warbaahinta caalamig ah, waxaanu ka mid ahaa dadka loogu jecel yahay dhinaca suxufinimada.

Axmed Xasan Cawke waxa si gaar ah loogu xusuustaa in uu ahaa Afhayeenkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Siyaad Barre sannadihii 70-naadkii iyo 80-naadkii ilaa intii ay burburaysay dawladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya. Waxa kale oo lagu xusuustaa muddadii aadka u dheerayd ee uu weriyaha ka ahaa BBC-da laanta af-Soomaaliga iyo telefishannada Universtal TV, Horn Cable TV iyo SLNTV.

Axmed Xasan Cawke waxa si weyn loogu aasay Wajaale, waxana aaskiisa ka qayb-galay Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici”, Guddoomiyeha Kulmiye ahna murashaxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo kumanaan ka tirssan dadweynaha Somaliland iyo Itoobiya.

bandhige@gmail.com