Xarunta Adeegga Sharciga ee Jaamacadda Hargaysa waxay qabatay tabobar ku saabsan caqabadaha hor taagan helidda caddaaladda

 

Xarunta Adeegga Sharciyada ee Jaamacadda Hargeysa waxay qabatay tabobar wacyi galin ah oo socday labada cisho oo ku saabsan caqabadaha ugu daran ee helidda caddaalada muwaadinka oo loo qabtay garsoore-yaal, booliis, xeer ilaalin, ciidanka asluubta, ciidanka baadhista danbiyada, qareenno iyo maxkamadda gobolka maroodi jeex, ayaa waxaa kasoo qayb galay hormoodka kulliyadda sharciga ee jaamacadda hargaysa Maxamuud Xuseen Faarax, agaasimaha xafiiska bixinta adeega sharci ee jaamacadda hargaysa Maxamed Abokor Maxamed, , iyo Cabdisalaan Faarax oo ah sarkaal ka socday hayada UNDP.

Cabdisalaan faarax oo madashaa tababarku ka socday ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada tababarku uu yahay in lagu dardar galiyo helidda adeega sharci, isla mar ahaantaana ay tahay in qof kasta oo muwaadin ahi xaq u leeyahay inuu helo looyar u dooda. Sifo kasta oo loo xidho, waxaa kale oo uu sheegay in caqabadaha ugu badani ay ka jiraan saldhigyada bilayska, halka ciidanka asluubtu ay fursad u siiyaan qareenadu inay la kulmaan maxaabiista jeelasha ku xidhan.

Maxamuud Xuseen Faarax, hormuudka kulliyada sharciga ee jaamacadda Hargaysa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muddadaasi labada cisho ah laga wada hadli doono muhiimadda hannaanka helidda caddaalada iyo caqabadaha ay la kulmaan qareenadu marka ay la kulmayaan maxaabiista xidhan.

Jaamacadda 5 Jaamacadda3 Jaamacadda 2

Prof: Maxamuud waxaa kaluu sheegay in dastuurka jsl uu dammaanad qaaday in muwaadin kastaa xaq u leeyahay helidda caddaalad sugan. “ marka adeega sharci laga hadlayo iyo qofku inuu helo kaalmo sharci waa arin dastuuriya, kiis miskiin wax la yidhaahdo ayaa jira, in la caawiyo ayaanay u baahan tahay, in lagu noqdo maaha caqabad;” sidaa waxaa yidhi Professor Maxamuud Xuseen Faarax, hormoodka kulliyadda sharciga ee Jaamacadda Hargaysa isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi “caqaba-du ma garsoor kaa? Ma xeer ilaali-yahaa? Ma booliis-kaa? Anigu waxaan qabaa markaad si u eegto garsoorka iyo isba-dalkii ka socday kolay waa la fahmay, laakiin caqabaddu waxay ka imanaysaa dadkaa shaqaynayaa hadaanay isla fahansanayn caddaaladdii iyo qofkan in wax loo qabto waa caqabad. Caqabad waxaa ugu horaysa oo kaliya marka ugu horaysa ee qofka miskiinka ah la xidho ama arrin loo qabsado wuxuu xaq u leeyahay inuu looyar helo”.