Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir ayaa loo magacaabay Ku-Xigeenka Xoghayaha UCID

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo ka tirsan xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada ee dhawaan la doortay u magacaabay in uu noqdo Xoghaye-Xigeenka Xisbiga UCID.

Magacaabistan ayaa ka dambaysay kadib markii uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe shalay xilka ka qaaday Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo xilkan horey u hayn jiray. Cabdinaasir ayaa isla shalay ka hor intii aan xilka laga qaadin shaaciyey in garab uu hoggaaminayaa ay xisbulxaakimka kula shuraakoobeen doorashada shirguddoonka Golaha Wakiillada, iyadoo Kulmiye qaadanayo Guddoomiyaha UCID-na uu qaadanayo labada guddoomiye xigeen.

War-saxaafadeedka UCID ayaa sidan u dhigan: