Xisbiga Kulmiye oo soo bandhigay xaqiiqda libin uu isa siiyey Cabdiraxmaan Cirro

Afhayeenka laanta xisbal-xaakimka Somaliland ee Kulmiye ku leeyahay dalka Sweden Xasan Axmed Buluke โ€œHassan Jamuriโ€, ayaa wax laga xumaado oo xaqiiqda ka fog ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โ€œCirroโ€ oo si gaar ah xisbigiisa u siiyey dadaalka ololaha ictiraaf-raadinta Somaliland ee laga wado dalka Sweden.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โ€œCirroโ€ oo booqasho ku tagay dalka Sweden maalmo ka hor, halkaas oo mooshin la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda la horkeenayo Baarlamanka dalkaasi, ayaa hadal uu siiyey warbaahinta waxa uu ku sheegay in dadaalka lagu abuuray mooshinkan ay ka soo shaqeeyeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Waddani.

Hasyeeshee, Afhayeenka xisbiga Kulmiye ee laanta dalka SwedenXasan Axmed Buluke oo soo saaray war-saxaafadeed uu arrintan kaga hadlayo, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doodda xisbiga Waddani uu kelidii ku sheegtay dadaal shacabka reer Somaliland oo dhami ka hawlgalaan.

Haddaba,

war-murtiyeedka Afhayeenka Kulmiye oo uu ku soo bandhigay xaqiiqooyin badan oo ku wajahan qaddiyaddan iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, waxa uu u dhignaa sidan:

โ€œAnigoo ku hadlaya afka Xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Somaliland (Kulmiye) ee dalkan Sweden waxaan dadweynaha iyo cidkasta oo ay khusayso u caddaynaynaa in dalkan Sweden loo dhisay guddi loo dhanyahay bishii February 2016 oo qaabilsan dardargelinta ictiraaf-raadinta Somaliland kaasoo la shaqeeya Safiirka Somaliland ee Sweden Rooda Jaamac Cilmi. Sidaa aawadeed, waxa wax lala yaabo ah in Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu marin habaabiyo oo uu iska sheegtay in xisbigiisu ka dambeeyey wixii ay ku tabceen dhammaan shacabka reer Somaliland ee Sweden oo ay hormuud uga ahaayeen Safiirka iyo Guddida Ictiraaf-raadinta Somaliland ee Sweden, iyagoo gacan ka helaya dhammaan jaaliyada haba ugu horreeyo hoggaanka iyo taagerayasha xisbiga Kulmiye Sweden.

Guddiga Ictiraaf-raadinta Somaliland ee Sweden waxa la soo dhisay Bishii February 2016, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajooga ee Somaliland Cabdi Cabdillaahi Xirsi iyo Safiirka Somaliland ee Sweden Rooda Jaamac Cilmi kadib markii lala tashaday dhammaan Jaaliyadaha Sweden iyo axsaabta siyaasaddaba, waxaanay guddidu Guddoomiye u doorteen Maxammed Yusuf Bidhiidh โ€œBadaโ€.

Muddadaa afarta bilood ah ee guddidani jirtay waxa u suurtagashay in 9 jeer lagaga doodo qaddiyada Somaliland Barlamaanka Sweden.

Waxay la xidhiidheen 123 Xildhibaan oo ka mid ah 349-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay Barlamaanka Sweden oo ay ku jiraan 7 hoggaamiye oo ka mid ah 8-da xisbi ee ku jira Barlamaanka Sweden marka laga reebo 1 hoggaamiye oo xisbiga cunsuriyiinta ah.

Guddidan iyo Safiiradu waxay saaxiibo dhow ka samaysteen 23 xildhibaan oo ku jira Baarlamaanka Sweden, waxaana ka mida xildhibaan Amir Adan iyo xildhibaanada Birgitta Ohlsson oo tiraba laba jeer tagtay Somaliland kadib markii Safiirada Somaliland ee Sweden Rooda Jaamac u kaxaysay.

Xisbiga Kulmiye wuxuu kala qaybqaatay ilaa 70 saacadood oo Guddidani ay shirar kula qaateen guddaha Barlamaanka dalkan xildhibaano Swedish ah muddadaa afarta bilood ah ee ay jireen si loo dardargeliyo in dawladda Sweden ina ictiraafto, maadaama uu nidaamka siyaasadda Sweden uu yahay “parliamentary system”.

Waxa kaloo xusid mudan in hoggaanka Xisbiga Waddani ee Sweden uu ka cudurdaartay oo aannu ka qaybgelin shirarkaas, halka hoggaanka Xisbiga Kulmiye Sweden, UCID iyo jaaliyadda Somaliland ee Sweden ay mar walba garabtaagnaayeen dadaalkaas ay wadeen Guddida iyo Safiirad Rooda.

Ugu dambayntii waxaan xusuusinaynaa Xisbiga Waddani in Guddoomiyohoodu uu ku yimi magaca Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee aanu ku iman magaca Waddani. Waxaanan leenahay kadaaya khilaafka qaddiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland ee Sweden.

Xisbiga Kulmiye-na waxa ka goโ€™an in uu ka shaqeeyo ictiraaf-raadinta, Midaynta iyo Horumarinta Jamhuuriyada Somaliland,โ€

 

Afhayeenka KULMIYE ee Sweden, ahna Guddomiyaha Skane.

Hassan Ahmed Buluke (Hassan Jamuri)

hassan.buluke@gmail.com