Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in Xaruntii Guud ee xisbiga la dhigay Boqolaal Ciidan ah

Af-hayeenka guud ee Xisbiga Wadani Barkhad Jamac Batun ayaa hadda Warbaahinta u sheegay in Guud ahaanba Xaruntoodii Guud la dhigay Boqolaal Ciidan ah.

Mar kale wuxuu af-hayeenku Carabka ku adkeeyay inaannay ka laabanayn in taageerayaashoodu imaadaan Xaruntooda Guud Barri.

Geesta kale Taliyaha ciidamada booliiska Somaliland oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inaan la ogolayn oo ay joojiyeen mudaharaad gudoomiye Cirro ku baaqay kaasi oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: