Xisbiga Waddani Waxaa Laga La’yahay Maalin Qudha Xukuumadda Difaaca Dalka Kala Mid Baannu Nahay…”

Qore: Khadar M. Xaashi

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) ayaa sheegay in xisbiga mucaaridka ah ee Waddani laga la’yahay inuu maalin qudha yidhaahdo difaac dalka xukuumadda ayaanu kala mid nahay.

Wasiirka ayaa sheegay in xisbiga Waddani ay aad ugu adag tahay inuu cadaysto inuu yahay mid u taagan difaac dalka oo markaasi xukuumadda ku barbar taagan wixii la xidhiidha arrimaha difaac qaranimada iyo difaaca sharafta Somaliland, waxaanu tilmaamay in ay arrintaasi Waddani kaga adag tahay wax kasta oo loo sheego.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa sidan ka sheegay munaasiabad uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ku casuumay qurba joogta dalka, taasi oo ay ka soo qayb galeen badi masuuliyiinta iyo hoggaanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye

Dhinaca kale wasiiraka ayaa intaasi ku daray in hadda mucaaridnimadu noqotay mid aan waxba la xeerin oo uu qofka hadalku ka gaadhayo meel kasta oo laga xishoodo, waxaanu tusaale u soo qaatay wakhtigii hore in masuuliyiin iyo mucaarid ba la dhawri jiray Qaranimada iyo sharafta muwaadinka, waxaanu sheegay in laga fogaan jiray waxyaabo badan oo dhaawacaya dalnimada iyo dadkaba.

Wasiirka Warfaafinta oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaanu yidhi “Qolada imika mucaaridka ah Faysal mooyaane Waddani waa laga soo saari la’yahay maalin qudha in ay yidhaahdaan Xukuumadda difaaca dalka kala mid baannu nahay, hadalkaasina wax sahlan maaha

In badan baanu kala hadalnay oo aanu ku nidhi difaaca maad is barbar taagtaan, arrintaasi kaga adag dhagax lagu yidhaahdo liq, difaaca dalka iyo Qaranimada iyo dawladnimadana waa la wada leeyahay”.

 

 

 

Xigasho:Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com