Xisbiyada mucaaridka Somaliland oo sheegay in doorashada madaxtooyada lasoo horumariyo lana qabto sanadkan 2020.
Kulan ay saaka wada yeesheen hoggaanka labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID oo ay kala hoggaaminayaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe ayaa laga soo saaray go’aammo ay ka mid yihiin:
- In dalka laga qabto doorasho madaxweyne oo xilligeedii laga soo hormariyay sanadkan 2020 maaddaama Muuse ku fashilmay hoggaaminta dalka.
- In doorashada baarlamaanka la qabto isla sanadkan 2020 maaddaama goluhu muddo dhaaf yahay, in ka badan 10 sanno.
- In sidoo kale isla sanadkan la qabto doorashada goleyaasha degaanka
Kala soco wixii war ah ee kasoo kordha Bandhige@gmail.com