Habkee loo furan karaa xisbi siyaasadeed? (WQ: Rashiid Odowaa)

Macnaha erayga Xisbi Waa “koox ama Urur dad ah oo isku aragti siyaasaded leh oo ujeedadoodu ama yoolkoodu yahay Siday u hanan lahayeen ama u qaban lahaayeen Xukun dal ama ugala wareegi lahaayeen xisbi kale oo dhigooda ah oo markaas xukunka haya”.waxay soo diyaarsadaan barmaamij siyaasaded iyo Mabaadii’da ay ku soo jiidan karaan oo ay kaga horrayn karaa ama kaga guulaysan karaan xisbiyada dhigooda ah marka ay joogto fagaarayaasha lagala hadlayo dadweynaha siiba xilliyada ololaha loogu jiro xukunka.

Waddamada Qaarkood ayaa leh Xisbi keliya,qaar kalena laba Xisbi,halka qaar kalena ay leeyihiin Xisbiyo tiro badan waxay ku xidhantahay habka ama nidaamka dalkaas u yaalla nooca uu yahay.

Muhiimadda ugu way nee ay xisbiyadu leeyihin waxa weyaan waxay sameeyaan fursad uu dadku siiba dadka da’ yarta ahi ama qof kasta oo leh aqoon iyo  han siyaasadeed uu kaga qayb qaadan karo Siyaasadda.

FAAIIDOYINKA XISBIYADU LEEYIHIN

  • Xisbiyadu waa halka ay ka soo baxaan hoggaamiyayaasha dalku
  • Waxay sameeyaan syaasadda dalka lagu hagayo
  • Waxay dhiirrigeliyaan in Siyaasadda laga qayb qaatto
  • Waxay abuuraan awood qaybsiga hayadaha dowliga ah
  • Waxay dadka la socodsiiyaan hadba xaaladda dalku siday tahay
  • Waxay caawiyaan in go’aamadu ay si deg deg ah u fulaan
  • Waxay gaadh ka hayaan xukuumadda oo ay ku dabo socdaan qaabka wax loo maamulayo waxayna ka qayb qaattan horumarka
  • Waxay abuuraan isku xidhnaan bulshada ah

FAA’IIDO DARRADA XISBYADA

  • Xisbiyadu waxay noqon karaan qaar xad gudbay oo kalitalis noqday ama qaar hab khaldan wax ku raadiya.
  • Waxay kala qaybin karaan bulshada oo ka digi karan qabail iyo kooxo hirdamaya.
  • Xisbiyadu waxay kharash garayn karaan Lacag ama adduun dhan oo dadka baahida ka saari lahaa ama horumar lagu samayn lahaa marka ay u ordayaan kursiga.
  • Waxay jideeyaan waxa loo yaqaan anaanyadda “anga aniga” macnaha qof ama koox yar ayuu dadku u afduubnaan karaa.
  • Xisbiyadu waxay abuuri karaan musuq maasuq

Haddaba haddaynu intaas ku soo koobno faa’iidada ay leeyihin xisbiyad u iyo dhibta ay leeyihiin labadaba waxa u baahan in aynu wax ka ogaan o qaabka loo furan karo Urur ama xisbi siyaasded.

HABKEE LOO FURAN KARAA XISBI

Si aanu u noqon xisbigu wax uu qof leeyahay ama cid gaar ah sida qabiil ama koox,waxa muhiim ah in la helo qiyaastii illaa 500 qof oo qaadhaan isku mid ah ku bixisa si ay u noqdaan dadkii xisbiga asaasay oo aanu xisbiga cid gaar ahi gacanta u gelin ama aanay u sheegan,hase ahaatee qofkii si kale ugu tabo rucaya ama dhaqale u gelinaya waxa fiican in ay tahay wax xisbigu isla ogyahay.

Waxa kaloo muhiim ah inay xukuumaddu dhaqaale kabis ah ay siiso xisbiyada si ay u noqdaan hanti qaran oo lacagtii qaranku lahaa lagu kobciyo taasna waxay meesha ka saaraysaa in ay cid gaar ahi sheegato xisbiga hadhow.

Waxa kaloo muhiim ah inuu xisbigu lahaado xeer hoosaad iyo dastuur kala hagaya oo hadhow lagu kala xukumi karo taas oo kolka horeba shuruud looga dhigo in la eego marka la diiwan gelinayo ma yahay mid u qalma in la diiwaan geliyo mise ma aha?

Waxa kaloo dhacda baryahan danbe in qof yidhaa waxan ku dhawaaqay Urur ama xisbi ayaan samaysanaya,arrintani hadhow ayay keenaysaa muran uu qofkii yidhaa anigaa lahaa xisbigan ama waxay u badantahay qof doonaya inuu magaca iibiyo oo uu yidhaa yaa iga iibsanaya.waxase fiican in ururka uu watto dham maan shuruudihii lagu aqbali lahaa.

 

Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213