Qorshaha Soomaalida ee Qarsoon (WQ: Axmed Cabdi Aadan)

Qorshaha laga qarinayo dadweynaha; siyaasiyiintuna ay ogyihiin, waa nidaam la yidhaa ‘confederation”. Nidaamkan waxa haysta Swiss-ka, Belgium IWM. Waa nidaam Somaliland ay gaadhayso dhammaan xududaheeda. Somaliland ay u madaxbannaan tahay siyaasaddeeda guddaha, doorashooyinka IWM balse, Soomaaliya oo iyaduna hal ‘qaran’ ah ay la waddaagayso ganacsiga (sida iminkana ay u ogoshahay saxeexa Farmaajo) ammaanka iyo summaddo lagu heshiiyey. Waa qaramo (nations) ku heshiiyey dawlad (state)

Nidaamkan wuu ka duwan yahay “Federal” waayo, Federal waa nidaam hal dal u qaybiya gobollo. Federalka waxa awoodda leh dadka, halka Confederation ay awoodda leeyihiin qaramadu – sawirka hoose ayaa aad ku fahmi doontaa.

Nidaamkan ciyaartoy badan baa ku wada socda. USA ayaa gadhwadeen ka ah, Maraykanku hadda gobolo kala duwan buu ka joogaa Soomaaliya. Kismaayo dhawaan ayuu gaadhayaa isaga oo wata kamaandooska DANAB iyo GORGOR ee Soomaalida. Sida aan wararka ku hayo dhawaan ama gadaal waxa is casilayo Axmed Madoobe. Deni laftiisu Jibouti ayuu kusoo ogolaaday fadhiisin in uu Maraykanka ka siiyo gobolka Barri. Waxa uu ku bedeshay jidad iyo shirkad macdanta baarta oo dhawaan ka hawl gali doonta Puntland – waa sida aan warka ku hayo.

Mr. Biixi ma diidin qorshahan hayeeshee, waxa uu daydayaa sidii uu shacabka Somaliland ugu jilcin lahaa. Hindisahan waxa aan ka maqnayn wadaaddada, gaar ahaan kooxda Islaax. Wadaaddada iyo ganacsatada Soomaalida ee lugta kula jira hawshan ayaa kasoo galay ciyaarta dhanka Amb. Maxamuud Dirir oo ah diplomaasi Ethiopian ah oo wakhti dheer fadhiyey Qaahira. Dirir waxa uu hore u ahaa ergayga Ethiopia u qaabilsan wadahadalada Sudan. Hadda waa ragga Dr. Abiy kala taliya qadiyada Soomaalida – waa nin Dir ah.

Shacabka Somaliland oo intooda badan aan la socon sida wax u socdaan, waxa laga yabaa in ay ka daadagi waydo hawshani hayeeshee, qorshahani waa mid muddo soo taxnaa, waana lagu wada socdaa.

Sida uu sheegay Biixi, Turkiga iyo Sweden ayaa ka mid ah waddamada ku jira mashruucan. Turkey-gu waxa uu shidhka galay waagii xukumaddii Siilaayo ay ku gacan saydhay shirkii London, haddana ay aqbashay shirkii Istanbul – xilligaas uu Siilaayo diiday shirka London, Ra’isal Wasarihii Britain ee wakhtigaas – Cameron – saxaafadda Ingiriisku waxa ay ku cannaanatay in uu jinaasadii Thatcher kaga mashquulay dal aan la aqoonsanayn. Galbeedku waagaas ayaa ay Cismaaniyiinta u ogoladeen in ay qadaan furayaasha lagu furayo qadiyada Soomaalida.

Sweden waa waddanka labbaad ee haya qaxoontiga ugu badan ee Soomaalida ka jooga Yurub, sidaa awgeed doorkeedu waa lama taabtaan. Ingiriiska ayaa dhankiisa yaqaan dhaqanka Soomaalida, qorshahana isaga ayaa loo daba fadhiistaa shaxaystiisa. Shaxda waxa dhigaya Ingiriis, furaha waxa sida Turkey, fulintana Maraykan baa qaabilsan. Ethiopia meel ka galiya qorshaha. Waddamo kale ayaa iyaguna qayb ka ah hawlgalka meesha ka socda.

Qorshahan Somaliland ma diidi kartaa? Haddii ay diido arma ayaa fursadi dhaaftaa? Waa waydiimo u baahan si xigmadaysan in loo gorfeeyo. Taarikhda ayaan u dhaafi doonaa jawaabaha.

Qorshahani hadda si xawli ah ayuu uga socdaa Konfurta Soomaaliya, wararka isoo gaadhayaa waxa ay sheegayaan in gobolka Mudug oo kala qaybsanaa, hadda dhammaantii la isugu gayn doono Galmudug Region.

Isbedelada layaabka leh ee hirgalay dhawaanahay waxa ka mid ah, Tukaraq in ay noqotay deked engegen oo waraabisa Puntland. Hawlaha halkaa ka socda iyo qaar kale oo badan ayaa sahlay baa la leeyahay Md. Biixi in uu usoo dabco hindisaha cusub.

Qorshahan ordaya kuma koobna isdhexgalka ganacsiga, qafiifinta siyaasadda balse, waxa uu taabanaya abtirsiinta Soomaalida. Soomaalida oo waayadii dambe isu taqaanay Carab, hadda waa ay soo leexanayaan. Qabaa’ilka sida weyn uga dhex muuqan doona qorshahan, waxa hormuud u ah Gabooyaha iyo Madhibaanka oo boodhka ka jafi doona haybtoodii asalka ahayd.

Taad ku jabi lahaydeen
Jarteedii ayaa la idin dhigay ~ Cali Kh. Galaydh 20/02/2020 Hargaysa

Allahay Nin Daacad ahNo photo description available.Image may contain: text