Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanku wuxuu sheegay in aanay dooneyn saliidda Ciraaq

Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Jim Mattis ayaa maanta sheegay in Maraykanka aanu damacsaneyn in uu qabsado saliidda Ciraaq, taasi oo ah arrin madaxweyne Donald Trump uu horey ugu ololeeyey si loga hortago in kooxda Daacish ay iibiso.

Mattis ayaa weriyayaasha la hadlay isaga oo booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka Ciraaq, xilli maalinti labaad uu guda galay howlgal milatari oo ciidamada Ciraaq ay doonayaan in magaalada Mosul ay kaga qabsadaan kooxda Daacish, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dhammaanteen, dadkeena ku sugan qolkan iyo dadka Mareykanka joogaba, waan iibsanaa shidaalka iyo saliidda, waxaana hubaa in taasi ay sii socon doonto mustaqbalka.”

Wuxuu intaa ku daray:

 “Uma joogno Ciraaq in qabsano saliidda cidna.”

Socdaalka Mattis uu ku joogo Ciraaq ayaa waxaa qeyb ka ah kulan uu la qaadan doono Raysal-wasaaraha dalkaas Haider al-Abadi iyo saraakiil kale oo uu ka mid yahay General Stephen Townsend, oo hoggaamiya isbaheysiga Maraykanka uu hoggaaminayo ee ka shaqeynaya sidii looga adkaan lahaa kooxda Daacish.

Mattis ayaa sidoo kale ka shaqeynaya qorshe looga adkaanayo kooxda Daacish oo madaxweyne Trump uu amray in muddo 30 maalmood guddahood ah lagu soo bandhigo.

bandhige@gmail.com