Xoghayaha Warfaafinta xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale oo xukuumadda ku eedeeyey inay ku tumatey dastuurkii dalka

Xoghayaha Warfaafinta xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale ayaa maanta shir-saxaafadeed uu xarunta guud ee xisbiga Waddani ku sheegay in xukuumaddani ay dayacday oo ay qiimo riday calankii dalkani lahaa, islamarkaana ay dhagar ka gashay dastuurkii dalka ee aftida dadweynaha lagu ansixiyey, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi:

‘’Asalaamu calaykum waraxma tulahi wa barakaatu, ramadaan kariin dhammaantiin inta dalka gudihii iyo dibaddiisaba joogta, doraadtoole oo Axad ahayd wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde wuxuu shir-saxaafadeed ku qabtay xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha, goobtaa shir-saxaafeedka lagu qabanayey waxa yaaley memberkan looxa ah ee laga hadlo, xagiisa dambena waxa sudhnaa calan, calankaasi waxa uu u muuqaal eeka calanka Jamuuriyada Somaliland, liidka ugu hooseeya ee cas waxa ku qornaa 1960 kii , calanku maro maaha ee waa dastuuri oo afti ayaa loo qaaday 31 may 2001 distoorkaanu ku qoran yahay waana ka lagu wada joogo Dalka.”

Isagoo  hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Qodobka 7aad ee dastuurka ayaa waxa uu odhanayaa calanka jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka kooban yahay saddex middab oo isleeg oo baladh u goglan, midabka sare waa doog ay dhexdiisa ku qoran yahay Tawxiidku oo far carabi ah ku qoran yahay midabkeeduna yahay cadaan, midabka dhexe waa cadaan ay badhtankiisa ku taalo xidig madaw oo shan gees leh madaxyo simana leh, midabka hoose waa casaan saafi ah.”

Mar uu Boobe ka hadlayey warqada shabakadda Wikilikis baahisayna waxa uu yidhi:

Maalmahan ayaa  waxa laga hadlaayey shabakadii wekeilis oo xanbaa la isla dhax maraayay oo waxa la leeyahay waxa la jabsaday barihii internetka iyo sucuudiga oo  intaasa laga soo helay in heshiis qarsoodi ah lagu galay mel heblaayo, oo uu dhexmaray dawlada Somaliland, Muqdisho, Puntland iyo waxyaabo sidaas oo kale ah ayaa ku qornaa, dabadeedna arintaasaa laga qaylinyaa ilaa hadda.”

Waxa uu intaas ku daray:

“Indhihiina oo shan ah dadweynoow ayaa waxa la isasoo taagay xarun ka mid ah xarumaha dawladda Jamuriyada Somaliland, oo calankii Jamuriyada Somaliland oo maro ah oo wax allaale iyo wax uu qiimo leeyahay aanu jirin oo ay xukuumadu ku feegartay oo ay ku qortay 1960kii distoorkaa si loo badalo, labada golle ma badali karaan, madaxweynuhuna ma badali karo, cid wax ka badali kartaana ma jirto, laakiin afti dadweyne ayaa lagu badali karaa distoorka dalkan.”

Boobe waxa uu gebo gebadii shir-saxaafadeedkiisu kusoo hadal qabsatay Maanso uu lahaa ibraahim gadhle AHUN oo tuhun reeb la yidhaahdo

Tuug wuu is qariyaa

halka uu ka xado tulud

tahanbuu ka guuraa

tobaadkan xaajow

ma tiriig sitaa yimid

Sidoo kale Xoghayuhu waxa uu ka hadlay hadalo ka soo yeedhay wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo sheegayay in asxaabta mucaaridku ay ka soo qayb galaan shir ay xukuumadu qabanayso, waxaanu yidhi:

‘’waxba nooguma baaqi karo anaga Cali Warancadde waayo kuma jiro dadka ay wax ka go’aan ee dalkan ka taliya, markaa anagu uma baahnin cid fariimo noo soo qaada waayo waxay la taalaa arintii muddo kordhintu iyo doorashadu madaxweynaha  iyo ku xigeen inay go’aan ka soo saaraan.”

Iskusoo wada duuba arrimaha ayaa qaar wali aanay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridku go’aan kama dambays ah aanay wali ka gaadhin.

bandhige@gmail.com