Xukuumadda Somaliland oo Dhambaal Hambalyo ah u Dirtay Raysal-wasaaraha Cusub ee Dalka Ingiriiska

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bogaadisay Raysal-wasaaraha cusub ee Ingiriiska, oo loo doortay Keir Startmer oo ka tirsan Xisbiga shaqaalaha dalkaasi UK.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan, ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay dhambaal diiran oo hambalyo iyo soo dhawayn ah u dirtay Raysal-wasaaraha la doortay ee Ingiriiska Keir Starmer.

Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay inay ka filayso Raysal-wasaaraha Ingiriiska Keir Startmer inuu kor u sii qaado xidhiidhka Somaliland iyo UK iyo wada shaqayntii soo jireenka ahayd ee u dhaxaysay labada dhinac.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalikand Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray xildhibaan Gavin Williamson oo dib loogu doortay xilkiisii Xildhibaanimo.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu ku tilmaamay Xildhibaan Gavin Williamson in uu yahay saaxiib weyn oo muddo dheer taageerayay qadiyadda iyo madax banaanid Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo fagaarayaasha caalamka iyo kuwa dalkiisaba ka sheegay inay Somaliland xaq u leedahay una qalanto in la Ictiraafo ama ay hesho madax banaanideeda.

Gebo’gabadii Raysal-wasaaraha cusub ee dalka boqortooyadda Ingiiriiska ayaa laga filayaa inuu wanaajiyo isla markaasina sii xoojiyo xidhiidhka iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ay wadaagaan UK iyo Somaliland.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com