Xukuumaddu waxay bixisay qayb ka mid dhulka Jaamacada Hargeysa iyo Maamulka Jaamacadda oo aan wali ka hadal

Tan iyo intii ay bilaabmeen bixinta dhul danta guud ah ee caasimada Hargeysa ayaa waxa hore uga reebanaa goobaha waxbarashada, oo ay ka mid tahay jaamacadda Hargeysa oo iyadu ah warshad soo saarta iftiinka dalkanmustaqbalka ifin doona, balse waxa soo baxay in ay goobtaasina noqotay goobaha u calaamadsanaa xukuumadda, taasi oo haatan xukuumaddu siisay shakhsiyaad ka bilaabay dhismayaal si xawli ah u socda.

Illo-wareedyo ka agdhow maamulka Jaamacadda Hargeysa ayaa waxay noo xaqiijiyeen in maamulka sare ee Jaamacadda Hargeysi ay kulan gaar ah ka yeesheen arrintan la xidhiidha dhulkan jaamacaddu leedahay ee la qaadatay, balse go’aanka ay ka qaateen wali aan la garan iyadoo shirkaasina aad moodo inuu kusoo idlaaday inaanay ka hadal mar haddii  ay xukuumaddu bixisay oo ay iyadu wadato qorshahan dhulka lagu bixiyey.

Boobka dhulka danta guud ah ayaa waxa uu haatan marayaa halkii ugu sareysay taasi oo keentay in ay xukuumaddu bilowday in ay bixiso qaybo ka mid ah dhulka Jaamacadda Hargeisa.

Xukuumadda uu hoggaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa u muuqatay markii ay xukunka ku guulasatay in ay dhiiri geliso waxbarashada, waxaanay bilowday guulo ay ku muujinayso fulinta ballanqaadayadii ay  bulshada u sheegeen wakhtigii ololaha, waxaanay bilaash ka dhigtay dugsiyada hoose/dhexe oo haatanna ay wado, balse talaabadan ayaa waxay noqonaysaa mid curyaamisa horumarka  ay Jaamacadda Hargeysi ku tallaabsan lahayd, oo ay ugu horeyso in la balaadhiyo jaamacadda oo ah halka keliya ee dalkan intifaacsado.

14203678_1131491286912189_1024772005_o 14151867_1131491583578826_563791792_o (1) 14151867_1131491583578826_563791792_o 14191388_1131491670245484_1326247529_o

bandhige@gmail.com