Mulkiilaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa booqasho lama-filaan ah ku yimid Kenya

Mulkiilaha Facebook Mark Zuckerberg ahna maal-qabeenka lixaad ee dunida ugu qanisan ayaa booqasho lama-filaan ah ku yimid Nairobi shalay.

Booqashadan ayaa lagu sheegay in ay ka mid tahay dedaallada ay shirkadda Facebook ku doonayso in ay kor ugu qaaddo heerka tiknoolojiga iyo hal-abuurka ganacsiga Afrika.

“Kenya waxan ku doortay in ay tahay dalka hoggaamiya xawilaadda lacagaha loo adeegsado moobaylada taas oo ah horumar weyn” ayuu yidhi Zuckerberg.

Haseyeeshee farxaddii uu Kiiniya ku joogay waxa dhantaashay iyadoo uu shalay burburay dayax-gacmeed uu muddo dheer maalgelinayey oo uu ugu talo galsanaa in uu internet-ka ku gaadhsiiyo qaaradda Afrika badankeeda gaar ahaan magaalooyinka iyo tuulooyinka yar yar ee Afrika ee aan hadda helin internet.

download

“Waan niyad-jabay markii aan shalay ogaaday in uu burburay dayax-gacmeedkayagii SpaceX Falcon 9 isla markii uu ka duulayay Florida. Laakiin waxaa noo shaqaynaya kaayagii kale ee Aquila” ayuu yidhi Zuckerberg.

Zuckerberg waxa lagu casuumay cuntada ugaalida loo yaqaan ee Kiiniya dhaqanka u leedahay, taas oo uu jeclaystay sida uu warbaahinta u sheegay.

Lama oga in uu dal kale oo Afrika ah u sii gudbi doono iyo in uu Maraykan ku noqon doono marka uu Kiiniya ka laabto.

BANDHIGE NEWS