Yaa ku guulaystay dooddii aan waxba la iskula hadhin xalay ee murashaxiinta Maraykanka?

 

Xalay waxaa dhacday dood bog cusub oo taban ka gashay taariikhda Maraykanka. Sidii aanu saakaba idiin soo gudbinay waxa dooddu dhex martay labada murashax ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump. Markii ay dooddu bilaabmaysay isma ay salaamin, wax kasta oo ay isku fadeexadayn karayeena way isku yidhaahdeen isaga oo Trump ku tilmaamay Hillary “Shaydaamad beenaley ah”. Labada murashax waxa u hadhsanayd uun in ay gacmaha isula tagaan.

Su’aasha muhiimka ahi waxa weeyi yey guushu raacday?

Sahan ay sameeyeen warbaahinta Maraykanku waxay isku raaceen in markana ay guushu raacday Hillary Clinton, sababtuna ay ahayd iyadoo ka daganayd kana weerar yarayd Donald Trump oo isagu u muuqday in uu u soo diyaargaroobay in uu dhabqiyo isla markaana dhooqeeyo doodda.

Hillary Clinton in kastoo qudheedu ay marar door ah ku tiraabtay ereyo aflegaado ah oo aan inta badan looga baran, haddana waxay ahayd qof diirrada saaraysay arrimaha muhiimka ah oo ka gaws-adaygaysay u-jawaabista ereyada cayda ah ee kaga imanayey Donald Trump oo ku caan-baxay in wixii afkiisa soo mari karaba uu ku yidhaa ciddii ay is-qabtaan.

Trump wuxu wakhtigu kaga dhacay oo uu aad ugu mashquulay u tirinta Madaxweyne Bill Clinton oo ah sayga Hillary Clinton, dooddiisuna waxay ahayd mid ka gudbi kari wayday heer shakhsi iyo fadeexadaynta qoyska reer Clinton.

Marka la eego toddobaadkii ugu dambeeyey oo dhibcihiisu si weyn hoos ugu sii dhacayeen, Donald Trump ayaa si daran ugu baahnaa in uu ku guulaysto dooddan, hase ahaatee waxay u dhacday dhinicii kale oo waxay guul labaad u noqotay Hillary Clinton. Iyada ayaana la filayaa in ay hanato madaxweynenimada Maraykanka 8-da November sida ay muujinayaan sahanka laga qaaday dadweynaha.

Dooddani waxay ahayd tii labaad, waxaana hadhay hal dood oo kali ah oo dhici doonta 14-ka October, waana fursaddii ugu dambaysay ee uu Trump haysto si uu uga soo kabtoo guul-darooyinka is-daba-joogga ah ee maalmahan soo gaadhayey.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Hoos ka akhri warar kale oo la xidhiidha dooddii xalay iyo doodihii ka horreeyey: 

Dooddii xalay ee Donald Trump iyo Hillary Clinton oo isku beddeshay fagaare la isku fadeexadeeyo

Yaa ku guulaystay dooddii madaxweyne-xigeennada Maraykanka?

Clinton oo ku guulaysatay dooddii koowaad ee loo qabtay murashaxiinta Maraykanka

Dooddii koowaad ee murashaxiinta Maraykanka oo berri la qabanayo wakhti dhibacaha tartankoodu aad isugu dhaw yihiin

Bandhige@gmail.com