Muuqaal: Khudbaddii Madaxweyne Cigaal ka jeediyey furitaankii Jaamacadda Hargeysa

 

Waxan halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaal taariikhi ah oo uu duubay telefishanka Space Channel oo ah khudbaddii madaxweyne Cigaal ka jeediyey furitaankii Jaamacadda Hargeysa 1999. Waxa nala soo wadaagay Farhan Media.

Madaxweyne Cigaal wuxu khudbaddiisan si aan hagar lahayn ugu ammaanay guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo uu ku tilaamay shakhsi ay taariikhdu xusi doonto isla markaana wuxu guul ugu rajeeyey Dr. Cali Sheekh Ibraahim oo ahaa guddoomiyihii ugu horreeyey Jaamacadda Hargeysa isagoo u rajeeyey in uu jaamacadda si caddaalad ah u hagi doono.

Madaxweyne Cigaal wuxu sheegay in isaga iyo Cali ay ahaayeen uuladii ugu horaysay ee dugsi lagu daro Somaliland isla markaan ay ahaayeen saaxiib isku dhaw tan iyo carruurnimadii.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran: