- Faylasufkii Ingiriiska ahaa ee Bertrand Russell ย ayaa yidhi : โ Noloshu way ka gaaban tahay wayna ka qiimo badan tahay inaan ururino gefafka ay dadka kale inaga galaan iyo in dadka la isku diroโ . Mar uu ka hadlayay in dadka khaladaadka ururiyaa ay wakhti qiimo badan iska dayacayaan, halka dadka wax isku diraanna ay yihiin dad qiimihii nolosha gabay.
- Cabdimalik Ibnu Marwaan waxa uu yidhi : โ Dadka waxaa ugu wanaagsan, qofka aan kibirinย marka uu sarreeyo, wax cafiya marka uu awoodo, cadaaladda sameeyaย marka uu xukun hayoโ.
- Jibraan Khaliil Jibraan waxa isaguna yidhi : โ Marka aad wax bixinayso waxaad tahay qof naxariis badan, laakiin qofka aad wax siinayso kor ha u eegin si xishoodkiisa aanad u dareeminโ.ย Taasi waa wax bixinta heerka ugu sareeya.
- Faylasufkii Plato waxa uu yidhi: โ Dagaalka qofka uu naftiisa la galo ayaa ah guusha ugu weyn ee aadamuhu gaadhoโ.ย ย Naftu waxay kuu diidaysaa wax kasta oo faaโiido kuu leh. โ Arrimaha ย badan ayaa qofka nolosha jecleysiiya, laakiin waxaa ugu muhiimsan yididiiladaโ.