- Haddii aad dhamaytirnaan raadiso weligaa naftaadu raali noqon mayso.
- Qiimaha kalgacalka iyo nabadda ma garanaysid, ilaa aad cabsida iyo nacaybka barato.
- Haddii cagtaadu dhulka raad ku reebto, carabkaaguna wuxu raadeeya qalbiyada dadka, haddab qofna ha dulmiyin, ha xaqirin, hana xaman
- Marka aad cadhaysan tahay aamus.
- Noloshaada wax kasta waa suurtogal, marka dhibta sabir, marka barwaaqadana mahadnaq
- Waan jecelahay dadka u hanqal taaga dhabaynta waxa aan suurtogalka u muuqan
- Runta ha diidin una ogolow in ay run tahay.
- Ogoloow in wax kastaa kugu dhacaan, samaan iyo xumaanba, laakiin yaanay kaa joojin in aad hore u sii socoto.
- Sida keliya ee isbeddel dhacaa uu macno kuugu samayn karaa waa in aad la-jaanqaaddo.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com