๐—๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ฆ๐š๐ฅ๐š๐ ๐š ๐›๐จ๐ ๐ฌ๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐š๐š?….W/Q:(Dr-Abdikarim Dr Hassan)

Macaanku dhowr nooc ayuu leeyahay, nooca aynu halkan kaga hadlaynaa waa nooca labaad oo inta badan ku dhaca dadka daโ€™doodu ka wayn tahay afartan sano, miisaankoodu culus yahay, cuntadoodu aanay nidaamsanayn, jimicsiguna ku yar yahay. Guud ahaan, Macaanku waa xanuun kasii dara oo khatartiisu la korodho daโ€™da qofka iyo mudadda uu hayay. Hasayeeshee, dadka Macaanka la nool suโ€™aasha aan maskaxdooda ka bixin, markasta oo ay ila kulmaanna i waydiiyaan waxa weeye Macaanka ma ka bogsan karaa? Suurto gal ma tahay in aan mar uun dawada joojiyo? Labadaa suโ€™aalood ayaan isku dayi in aan qormadan kaga jawaabo.

Marka hore aynu doorano ereyga meesha ku habboon. Bogsasho โ€œreversalโ€ waa erey culus oo tilmaamaya xanuunka oo si rasmi ah u taga. In la yidhaa waa laga bogsan karaa waxay u baahantay daliil culus oo lagu taageero. Daliilkaasna wali lama helin. Ereyga suโ€™aasheena ku habbooni waa ladnaansho (remission). Macaanka malaga laddnaan karaa?.

Aynu ku bilowno in aynu qeexno maxaynu uga jeednaa bogsasho? Dhowr hayโ€™adood oo waawayn ayaa siyaalo kala duwan u qeexay bogsashada aynu u jeedno:

1. ๐˜ผ๐™ข๐™š๐™ง๐™ž๐™˜๐™–๐™ฃ ๐˜ฟ๐™ž๐™–๐™—๐™š๐™ฉ๐™š๐™จ ๐˜ผ๐™จ๐™จ๐™ค๐™˜๐™ž๐™–๐™ฉ๐™ž๐™ค๐™ฃ: ๐’˜๐’‚๐’™๐’‚๐’š ๐’ƒ๐’๐’ˆ๐’”๐’‚๐’”๐’‰๐’‚๐’…๐’‚ ๐’Œ๐’– ๐’’๐’†๐’†๐’™๐’†๐’†๐’ ๐’Ž๐’‚๐’“๐’Œ๐’‚ ๐’’๐’๐’‡๐’Œ๐’‚ ๐‘ฏ๐’ƒ๐‘จ1๐’„๐’ˆ๐’Š๐’Š๐’”๐’– ๐’Œ๐’‚ ๐’‰๐’๐’๐’”๐’†๐’š๐’”๐’ 5.7% ๐’Š๐’”๐’๐’‚ ๐’Ž๐’‚๐’“๐’Œ๐’‚๐’‚๐’๐’‚ ๐’–๐’– ๐’Œ๐’‚ ๐’Ž๐’‚๐’‚๐’“๐’Ž๐’ ๐’…๐’‰๐’‚๐’Ž๐’‚๐’‚๐’ ๐’…๐’‚๐’˜๐’๐’๐’š๐’Š๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ด๐’‚๐’„๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐’–๐’ˆ๐’– ๐’š๐’‚๐’“๐’‚๐’‚๐’ ๐’Ž๐’–๐’…๐’ ๐’”๐’‚๐’๐’‚๐’… ๐’‚๐’‰.

2. ๐˜ฟ๐™ž๐™–๐™—๐™š๐™ฉ๐™š๐™จ ๐™๐™š๐™ข๐™ž๐™จ๐™จ๐™ž๐™ค๐™ฃ ๐˜พ๐™ก๐™ž๐™ฃ๐™ž๐™˜๐™–๐™ก ๐™๐™ง๐™ž๐™–๐™ก (๐˜ฟ๐™ž๐™๐™€๐˜พ๐™) ๐’๐’ ๐’”๐’‚๐’Ž๐’†๐’†๐’š๐’‚๐’š ๐’„๐’Š๐’๐’Ž๐’Š ๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’…๐’‰๐’Š๐’” ๐’๐’‚ ๐’š๐’Š๐’…๐’‰๐’‚๐’‚ ๐‘ซ๐’Š๐‘น๐‘ฌ๐‘ช๐‘ป ๐’Œ๐’– ๐’”๐’‚๐’Ž๐’†๐’†๐’š๐’‚๐’š ๐‘บ๐’„๐’๐’•๐’๐’‚๐’๐’…, ๐’˜๐’‚๐’™๐’‚๐’š ๐’ƒ๐’๐’ˆ๐’”๐’‚๐’”๐’‰๐’‚๐’…๐’‚ ๐’Œ๐’– ๐’’๐’†๐’†๐’™๐’†๐’†๐’: ๐‘ฏ๐’ƒ๐‘จ1๐’„ ๐’ˆ๐’‚ ๐’’๐’๐’‡๐’Œ๐’‚ ๐’๐’ ๐’Œ๐’‚ ๐’‰๐’๐’๐’”๐’†๐’†๐’š๐’‚ 6.5% ๐’Š๐’”๐’๐’‚ ๐’Ž๐’‚๐’“๐’Œ๐’‚๐’‚๐’๐’‚ ๐’–๐’– ๐’Œ๐’‚ ๐’Ž๐’‚๐’‚๐’“๐’Ž๐’ ๐’…๐’‰๐’‚๐’Ž๐’‚๐’‚๐’ ๐’…๐’‚๐’˜๐’๐’๐’š๐’Š๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ด๐’‚๐’„๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐’–๐’ˆ๐’– ๐’š๐’‚๐’“๐’‚๐’‚๐’ ๐’๐’‚๐’ƒ๐’‚ ๐’ƒ๐’Š๐’๐’๐’๐’….

3. ๐™„๐™ฃ๐™ฉ๐™š๐™ง๐™ฃ๐™–๐™ฉ๐™ž๐™ค๐™ฃ๐™–๐™ก ๐˜ฟ๐™ž๐™–๐™—๐™š๐™ฉ๐™š๐™จ ๐˜พ๐™ค๐™ฃ๐™จ๐™š๐™ฃ๐™จ๐™ช๐™จ ๐™‚๐™ง๐™ค๐™ช๐™ฅ: ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข๐˜บ bogsashada ๐˜ฌ๐˜ถ ๐˜ฒ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜น๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ฏ: ๐˜ช๐˜ฏ ๐˜๐˜ฃ๐˜ˆ1๐˜Š ๐˜จ๐˜ข ๐˜ฒ๐˜ฐ๐˜ง๐˜ฌ๐˜ถ ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฉ๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ด๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜บ๐˜ฐ 6.5%, ๐˜ช๐˜ด๐˜ญ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ๐˜ข ๐˜ถ๐˜ถ ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ข๐˜ณ๐˜ฎ๐˜ฐ ๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฎ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ฅ๐˜ข๐˜ธ๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜บ๐˜ช๐˜ฏ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ค๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ญ๐˜ข๐˜จ๐˜ข ๐˜ณ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ฃ๐˜ฐ ๐˜”๐˜ฆ๐˜ต๐˜ง๐˜ฐ๐˜ณ๐˜ฎ๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ถ๐˜จ๐˜ถ ๐˜บ๐˜ข๐˜ณ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ด๐˜ข๐˜ฏ๐˜ข๐˜ฅ.

Saddexda qeexitaan kii aad doorataaba waxa uu xooga saarayaa HbA1c ka hooseeya 6.5%.
๐˜๐˜ฃ๐˜ข1๐˜Š ๐˜ธ๐˜ข๐˜ข ๐˜ด๐˜ฉ๐˜ข๐˜บ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฉ ๐˜ญ๐˜ข๐˜จ๐˜ข ๐˜ฒ๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฐ ๐˜ฅ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜”๐˜ข๐˜ค๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ฒ๐˜ข๐˜ฃ๐˜ข ๐˜ถ๐˜จ๐˜ถ
๐˜ฃ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฏ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ด๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฅ๐˜ฆ๐˜น๐˜ฅ๐˜ช๐˜ช ๐˜ฃ๐˜ช๐˜ญ๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ฅ๐˜ฃ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ณ; ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ๐˜ข ๐˜ญ๐˜ข๐˜จ๐˜ถ ๐˜ฐ๐˜จ๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข๐˜ข ๐˜ช๐˜ฏ
๐˜ฒ๐˜ฐ๐˜ง๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ค๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ๐˜ฌ๐˜ช๐˜ช๐˜ด๐˜ถ ๐˜ด๐˜ช๐˜ง๐˜ช๐˜ช๐˜ค๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ถ ๐˜น๐˜ข๐˜ฌ๐˜ข๐˜ฎ๐˜ข๐˜บ๐˜ด๐˜ฏ๐˜ข๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ถ๐˜ฅ๐˜ฅ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข๐˜ข ๐˜ญ๐˜ข๐˜ด๐˜ฐ๐˜ฐ
๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ข๐˜ข๐˜ง๐˜ข๐˜บ, ๐˜ค๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ๐˜ช๐˜บ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข ๐˜ถ๐˜ถ ๐˜ถ ๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ฆ๐˜น๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜บ๐˜ข๐˜ข ( 4-6.5%).

Suโ€™aasheenu waxay ahayd qofka macaanka lanooli ma ka ladnaan karaa? Marka lasoo koobo waxa la odhan karaa, dadka qaarkood, haa.

Qofka oo macaanka ka laddnaada waxa lagama maarmaan u ah in beerta iyo ganaca laga sifeeyo subagga โ€œfatsโ€ ku urura ee cuntada kalorigeedu badan yahay sababto. Subagga beerka iyo ganaca fadhiistaa waxa uu sababaa in beerkuna nidaamin kari waayo sonkorta, ganacuna sifiican usoo dayn kari waayo insuliinta. Sidoo kale, xaydha iyo duxda aadka u badan ee miisaanka la socota waxay keentaa in dhammaan unugyda jidhkeenu sifiican ula fal geli kari waayaan insuliinta oo xattaa iyadoo Insuliin badani dhiiga ku jirto, hadana ay dejin kari waydo sonkorta. Labadan arrinba waxa lagu hannan karaa, macaankana lagaga laddnaan karaa hadii ugu yaraan saddexda arimood ee soo socda midkood qofku si dhamaystiran u fuliyo.

a. In qofku joojiyo dhamaan cuntooyinka Karbohaydarayt
ku ku badan yahay โ€œ๐’๐’๐’˜ ๐’„๐’‚๐’“๐’ƒ๐’๐’‰๐’‚๐’š๐’…๐’“๐’‚๐’•๐’† ๐’…๐’Š๐’†๐’•”
b. In qofku qabatimo oo daaโ€™imo cuntooyinka tamartu ku
yartahay โ€œ๐‘ณ๐’๐’˜ ๐’„๐’‚๐’๐’๐’“๐’Š๐’† ๐’…๐’Š๐’†๐’•โ€
c. Qaliinada lagu dhimo miisaanka ee caloosha qayb lagu
saaro โ€œ๐‘ฉ๐’‚๐’“๐’Š๐’‚๐’•๐’“๐’Š๐’„ ๐‘บ๐’–๐’“๐’ˆ๐’†๐’“๐’šโ€

๐Ÿ. ๐‹๐จ๐ฐ ๐œ๐š๐ซ๐›๐จ๐ก๐ฒ๐๐ซ๐š๐ญ๐ž ๐๐ข๐ž๐ญ- ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐จ ๐ค๐š๐ซ๐›๐จ๐ก๐š๐ฒ๐๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ญ-๐ค๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐š๐ซ ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ:
Qofka oo joojiya ama aad u dhima cuntooyinka karbohaydaraytku ku badan yahay waxay yaraysaa kaydka dufanka ee jidhka; waxay yaraysaa dareenka gaajada; waxaanay kordhisaa in jidhku tamar badan oo u kaydsanayd adeegsado. Qofka cuntooyinka karbohaydarayt-ka ah aad u cuna markasta Insuliinta ganaciisu sameeyaa way badan tahay. Ujeedadu waa in sonkortaas xad-dhaafka ah inta dux iyo dufan loo bedelo la kaydiyo. Qofkaas miisaan ayaa ku kordha, duxdaa badan ee la kaydinayaa hadhow waxay khalkhalisaa habsan u shaqayntii Insuliinta, waxaanay dhashaa macaan. Ka waran hadii uu karbohaydarayt kii ibir ka dhigo oo joojiyo. Bilowga hore jidhkiisu waxa uu adeegsan doonaa duxdii iyo dufankii kaydsanaa, taasina in uu miisaan lumiyo ayay sababi.

Kadibna waxa uu ku shaqayn doonaa waxoogaaga tamarta ah ee cuntadiisa kooban la socota; waxaa meesha ka bixi doonta sonkortii dheeraadka ahayd ee la kaydinayay. Insuliintu heerkii dabiiciga ahaa ayay ku noqon, suntii iyo qashinkii sonkorta xad-dhaafka ah ka dhalatayna jidhka waa la sifayn. Halkaas caafimaad iyo laddnaansho ayaa uga bilaabmaya. Model kan laba shay ayaa wada socda karbohaydarayt-ka oo aad loo yareeyo (<60gram maalintii) iyo barootiinka oo la kordhiyo si jidhku tamarta dheeraadka ah uga helo barootiinka. Way adag tahay in qofku sonkortiisa caadi ka dhigo isagoo aan miisaan dhimin, karbohaydarayt kana yarayn.

๐Ÿ. ๐‹๐š๐ฐ ๐œ๐š๐ฅ๐จ๐ซ๐ข๐ž ๐๐ข๐ž๐ญ- ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐จ ๐ญ๐š๐ฆ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐š๐ซ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ:

Nidaam kani waxa ku talisay daraasad aad u balaadhan Diabetes Remission Clinical Trial (DiRECT) oo lagu eegayay saamaynta calorie-ga oo la dhimaa ku yeelan karto macaanka nooca labaad (T2DM). dadka daraaada ka qayb galay waxa loo qaybiyay laba kooxood. Koox qaadanayay cunto calorie-geedu aad u yar yahay 850 cal maalintii (๐˜ค๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ๐˜ช ๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข ๐˜ญ๐˜ข๐˜บ๐˜ช๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ข๐˜ข๐˜ฉ๐˜ฅ๐˜ข๐˜ข ๐˜ณ๐˜ข๐˜จ๐˜จ๐˜ถ ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข๐˜บ ๐˜ถ ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜บ๐˜ช๐˜ฉ๐˜ช๐˜ช๐˜ฏ 2500 ๐˜ค๐˜ข๐˜ญ๐˜ฐ๐˜ณ๐˜ช๐˜ฆ, ๐˜ฅ๐˜ถ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฌ๐˜ถ๐˜ฏ๐˜ข 2000 ๐˜ค๐˜ข๐˜ญ๐˜ฐ๐˜ณ๐˜ช๐˜ฆ), iyo koox xadigoodii caadiga u ahaa qaadanayay. Markii shan bilood kadib ayaa dib loo qiimeeyay 46% kuwii calorie ga yar qaadanayay macaankoodu waxa uu kusoo noqday heerkii caadiga ahaa oo way laddnaadeen (remission), halka 4% kooxdii kale ay muujiyeey waxoogaa horumar ah. Dadka daraasada ka qayb galay oo celcelis ahaan miisaankoodu ahaa 101 kg, faaโ€™iidada ugu wayn waxa helay kuwii miisaanka ugu badani uu ka dhacay.

o Mudadii daraasadu socotay, dadkii miisaan ku kordhay
qofna wax kasoo rayn ah muu samayn (zero remission)
o Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeyay 0-5kg, 7% ayaa
ayaa ladnaaday โ€œremissionโ€
o Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeya 5-10 kg, 34%
ayaa macaankii la laddnaaday.
o Dadkii uu ka dhacay miisaan u dhexeeya 10-15 kg, 57 %
ayaa macaankii ka laddnaaday.
o Dadkii uu ka dhacay miisaan ka badan 15 kg, 86% ayaa
macaankii ka laddnaaday.

Laba sano kadib, dadkii daraasada ka qayb galay qiimayn danbe ayaa lagu sameeyay waxaana la ogaaday in kooxdii ladnaatay, 70% ay ku sii jireeen siina xejisteen ladnaanshihii.

๐Ÿ‘. ๐๐š๐ซ๐ข๐š๐ญ๐ซ๐ข๐œ ๐ฌ๐ฎ๐ซ๐ ๐ž๐ซ๐ฒ- ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ข๐ง๐š๐๐š ๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ฆ๐จ ๐ž๐ž ๐œ๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฌ๐ก๐š ๐ฒ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฒ๐š:

American Diabetes Association waxay aqoonsatay in qalliinada caloosha lagu yareeyaa ay ka midyihiin wasiilooyinka miisaanka lagu dhimo, macaankana lagaga ladnaado, gaar ahaad dadka miisaankoodu xad-dhaafka yahay. Sida ay xaqiijiyeen Ururka maraykan ee dersa qalliinada calool yaraynta (๐‘จ๐’Ž๐’†๐’“๐’Š๐’„๐’‚๐’ ๐‘บ๐’๐’„๐’Š๐’†๐’•๐’š ๐’๐’‡ ๐‘ด๐’†๐’•๐’‚๐’ƒ๐’๐’๐’Š๐’„ ๐’‚๐’๐’… ๐‘ฉ๐’‚๐’“๐’Š๐’‚๐’•๐’“๐’Š๐’„ ๐’”๐’–๐’“๐’ˆ๐’†๐’“๐’š) 78% dadka lagu sameeyo qaliinka caloosha lagu yareeyaa way ka ladnaadan macaanka.

Daraasad lagu sameeyay dalka Iswiidhan ayaa iyana ogaatay kadib markii ay qiimayn ku sameeyeen dad lagu sameeyay qaliinka caloosha laba sano kadib in ay 72 % wali kusii jireen ladnaanshihii, halka 30 % macaankii ka ladnaayeen shan iyo toban sano kadib qaliinkii. Sababta ugu wayn ee ladnaanshaha keentay, sida aynu soo carabownay, waa miisaan dhimid iyo cuntadii sonkortu ku badnayn oo qofka ku yaraata.

Gunaanadkii, macaanka nooca labaad waa laga ladnaan karaa iyadoo loo marayo saddexdaa dariiq ee aynu soo sharaxnay, waana fikrad la isku waafaqsan yahay. Waxaadse xasuusnaataa in hadii qofku dib ugu laabto dhaqankiisii hore ee cuntada, miisaankiina dib u fuulo, macaankii wuu soo noqonayaa. Ladnaanshuhu waxa uu toos ugu xidhan yahay inta qofku miisaan rido iyo inta uu yareeyo karbohaydarayt-ka. Isagoo labadaasba aad u wanaajiyay ayay dhici karkaa in aanuu ladnaanshaha helin duruufo badan oo kale dartood.

Waxaan comment-yada ku lifaaqay qaar ka mid ah daraasadaha aan soo xigtay oo aad sii akhriyi karto.