Ictisaamka Soomaalilaan Dagaal Kula jira iyo Salafiyiin Soomaalilaan Difaacaya W/Q: Cali Cabdi Coomay

Urur-diimeedyada Soomaalilaan waxa ugu awood badan labada urur ee aynu sare ku soo sheegnay. Gobollada bariga Soomaalilaan ee Togdheer, Sanaag iyo Laascaanood waxa ku xoog badan urur-diimeedka Ictisaam, xittaa waxa ay saameyn ku yeesheen hogaankii dhaqanka ee deegaannadaasi. Waxaad arkaysaa Suldaan ama Ugaas dantii reerkood waafajinaya dantii ururkii Ictisaam ee uu ka tirsanaa. Ictisaam waxa sannadkii 1996-kii lagu aasaasay magaalada Laascaanood ka dib burburkii ku yimid urur-weynihii ay ka tirsanaayeen ee Itixaad.

 

Waa koox aaminsan inay xukunka dal kasta qori caaradii kula wareegaan, markuu wakhtigu u saamaxo. Bulshada ayay la falg-galeen markii uu burburay ururkoodii Itixaad, waxaanay ku xooggan yihiin goobaha waxbarashada iyo ganacsiga. Gobollada galbeedka ee Berbera, Hargaysa, Awdal iyo Selel awood badan kuma Ictisaamka ama awoodda waxa la qaybsada ururka Salafiyiinta. Berbera, Hargaysa iyo Boorama haddii ay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan waxa markiiba ka jawaaba kooxda Salafiyiinta. Salafiyiintu waxa ay aaminsan yihiin in dawladaha Islaamka aan xukunka laga tuurin oo fidno ay ka dhalanayso.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.                      

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com