Ma Sheekh Biliso Cusubaa? W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sheekh Biliso wuxuu nin ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada oo uu Siyaad Barre jabhad u sameeyey si ay Itoobiya ula dagaalamaan. Wuxuu ahaa falalow u faaliya madaxdii dawladdii Siyaad Barre. Markii uu dhacay heshiiskii Mingistu iyo Siyaad Barre ee Jabuuti 1988-kii bishii saddexaad, ayuu Moorgan Sheekh Biliso ku yidhi Faali bal in aan SNM ka adkaanayno iyo inay inaga adkaanayaan? Ka dib wuxuu soo kaxeeyey laba wan oo midna casaan yahay midna caddaan. Kii casaa waa SNM, ka caddani waa dawladdii Maxamed Siyaad. Wuu isku diray.

Saddex jeer ayuu kii casaa dhulka dhigay kii caddaa. Markaasuu go’aamiyey in dawladda la jebinaayo. Jabhadiisii Oromada ahayd waxa ay deganayd halka imika ay tahay wasaaradda qoysku ilaa dhismaha jaamacadda Abaarso. SNM ayaa weerartay xaruntii ciidankiisa oo gubtay buulal meesha uga dhisnaa.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.                      

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com