5 Jeel ee adduunka ugu silica xun! (WQ: Cabdirisaaq Sandheere)

Jeelalku waa goobaha lagu xidho ee lagu hayo eedaysanayaasha danbiyada kala duwan gaystay. Waddanwal ba way ku yaallaan Jeelashu. Sida sharciyada caalamku dhigayaan waxa laga rabaa in maxaabiista si wanaagsan loola dhaqmo, oo dadnimadiisa la ilaaliyo xuquuqda uu qof ahaan leeyahayna helo. Se waxa jira Jeelal badan oo maxbuusku aannu xaq iyo xuquuq toona lahayn, oo sida dugaaga loola dhaqmo.

5ta xabsi ee ugu xun adduunka ayaynnu soo qaadan:

1- Attica Xabisa la yidhaa: Wuxuu ku yaallaa dalka Maraykanka, gaar ahaann New York, waxaa la dhisay 1971dii. Xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha ayaa ka dhaca. Marar badan ayay maxaabiistu gadoodeen. Bishii Semtenber sannadkii 1971kii 1000 Maxbuus oo ka mid ah kuwii ku xidhnaa Xabsiga ayaa gadooday, mudaharaad ayay sameeyeen xabsigana gacanta ayay ku dhigeen. Waanwaan iyo dhexdhexaadin socotay afar cisho ayaa nimankii maamulka hayay isku raaceen in 28 maxbuus la sii daayo, se maxaabiistii may yeelin. Ciidamadii Jeelka ilaalinayay ayaa maamulku jeelku gacantooda u soo galay ka dib dagaal dhexmaray iyaga iyo maxaabiista. Dagaalka waxaa ku dhintay 43 qof, oo ciidan ku jiraan.

2- Kaamb 1392: Waa xabsi ku yaalla Israa’iil. Xabsigan lama aqoon waqtiyadii hore oo wax public ama dadku ogyihiin ma hayn intii ka horreysay sannadkii 2003dii oo la ogaaday. Arrinta lagu ogaadayna waxa xogteeda sii daysay maxkamadda sare ee Israa’iil. Jeelkaa qofkii galaa dib ugama soo baxo, sidaasuu kugu daayay. Maxaabiistu way iskufsadaan, oo tacaddiyo jinsiyeed ayaa ka dhexdhaca.

3- Vladimir Central Russia, wuxuu ku yaallaa dalka Ruushka, waxaa lagu xidhaa dadka danbiyo waaweyn gala ama loo haysto.  Waxaa la dhisay sannadkii 1783kii. Maxbuuska ugu muddada yari waxa uu ku jiraa 10 sano, qaarna noloshooda ayay ku dhammaystaan. Waa Jeelka ugu weyn dalka Ruushka. Waqtigii hore waxaa lagu xidhi jiray dadka arrimo siyaasadeed loo haysto, gaar ahaan waqtigii Midawgii Soofiyeeti. Warar badan lagama hayo jeelka, waxa laga ogyahay uun inuu yahay Naar adduun!

4- Guiter ( Central Prison of Rwanda): Wuxuu ku yaallaa dalka Rwanda. Waa xabsi cidhiidhi ah oo dadku isku dul seexdaan. Wuu yaryahay. Wuxuu leegyahay Garoon kubbadeed kalabadhkii. 7,000 Nin ayaa halmar lagu xidhaa meel yar oo qaaadaysa 400 qof.  Meel yar ayuu qofku joogayaa maalinta oo dhan isaga oo aan wax dookh iyo doon midna  lahayn. Waqtiyada qaar sida sannadkii 2017 muddo sagaal bilood ah 8deedii qofba hal of ayaa dhimanayay. Xanuunno ayaa ka dillaaca, dadka qaar ayaa u dhinta xanuunnadaa safmarka ah.

5- Bangkwand: Wuxuu ku yaallaa dalka Thailand. Qiyaas ahaan 11Km ayuu dhinaca Waqooyi ka xigaa caasimadda dalka ee Bangkok.  Ragga ayuu u gaaryahay.  Sannadkii 2009dii waxaa ku xidhnaa Jeelka in ka badan 400,000. Dadka qaar lagu xidhaa waa ajaanib. Si xun ayaa loola dhaqmaa Maxaabiista. Cunto yar oo aan ku filnayn ayaa la siiyaa maxaabiista. Sida bahalnimada ayaa loola dhaqmaa dadka xabsigaa ku jira.

 

Muuqaal ahaan halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=AzHdg9E2a9w&t=12s

 

Intaas ayaan ku soo koobaynaa. Waxa aan ka soo TURJUMAY Channelka la yidhaa Top Curious. https://www.youtube.com/watch?v=F5SVNQFuzZQ