Covid-19: halis kale oo khatar badan! (WQ: Mohamed O. Hagi Mohamoud)

COVID-19 IYO HALIS KALE OO KHATAR BADAN IYANA.

 

Sida la gu xaqiijiyey dhawaan jaraa’idka arrimaha caafimaadka ku caanka ah ee ka soo baxa dalka UK oo la gu magacaabo England Journal of Medicine, xanuunka caabuqaha (infectious disease) ee COVID-19 in badan ayuu hawada ku jiri karaa isaga oo nool sidaana waa la isku qaadsiin karaa.

 

Tusaale ahaan, haddii ruux qaba COVID-19 oo kelidii bannaan socdaa uu qufaco ama hindhiso hawada ama naqaska ka soo baxa afka ama sanka qofkaa waxa uu hawada ku jiri karaa muddo saddex saacadood ah. Hadda ma aha dhibcaha waxa hawada ku jirayaa, waa naqaska dhibcaha wata ee la socda qufaca iyo hindhisada. Marka ay dhibcuhu hoos u degaan naqasku kor ayuu joogayaa oo hawada ayuu raacayaa isaga oo cudurkii sita.

 

Taa macnaheedu waa in dhibcaha la socda hindhisada (droplets) aaney keli ku ahayn gudbinta cudurka COVID-19, laakiin naqaska (aerosols), waa naqaska hawada ah ee la socda qufaca iyo hindhisada e, qudhiisu yahay mid uu cudurku si weyn u la socdo. Sidaa darteed meesha uu saddex saacadood ka hor qof ku hindhisay ama ku qufacay haddii qof kale soo maro waa uu qaadayaa xanuunkii.

 

Marka ay sidaa tahay waa in hawada (aerosols) qufaca ama hindhisada qofka bukaanka ah la socotaa ay hawada heehaabayso iyada oo cudurku ku jiro muddo dheer oo 3 saacadood ku siman. Halka dhibcaha sanka ama afka ka soo baxaa (droplets) oo iyaguba cudurka si weyn u sidaa ay qaadanayaan in ay ku degaan oo dhulka ku gaadhaan muddo aan ka yareyn 35 daqiiqo oo iyaduna halis kale ah haddii intaa qof soo maro.

 

Dhibcaha qufaca ama hindhisada soo raacay meesha ay gaadhaan iyaguna muddo dheer ayey sii fadhiyayaan. Tusaale ahaan, dhibcahaasi haddii ay dul degaan bacda wax la gu qaato waxa uu virus ku dul noolaan karaa 72 saacadood. Birta waxa uu ku kor noolaan karaa 48 sacaadood. Halka uu karaatoonta kaga dul noolaan karo muddo 24 saac ah. Sababtani waa ta loo leeyahay, guryihiinna jooga, aad u kala fogaada, faraha, jidhka iyo maryahana maydha.

 

Mohamed O. Hagi Mohamoud