“Adduunku waa ka wada siman yahay tacadiga dhanka ah dumarka iyo dadka jilicsaan iyo ka qoysaska ” (WQ: Abokor Maxamuud)

 

Waxa iska diwaan-geliyey todobaad gudihi Website (everyoneinvite.co.uk) 10,000 dhalinyaro ah oo u badan hablo oo lagula kacay tacadiga kufsi nooc kasto ah, Boqortooyada Ingiriska”
 Adduunka waa ka wada siman yahay tacadiga dumarka iyo dadka jilicsaan iyo ka qoysaska Sababtunna waxa, weeye Aadme ayaa ” Gefka iyo xadgudubaka loo yahay ” Ilaahay uun ayaan khalad iyo gef ka dhicin (SWT) balse aadmah waa mid qoobka ugu xidhan.
 Waxa iska diwaan-geliyey Dalka Boqortooyada Ingiriska website (Everyoneinvite.co.uk) todobaadkan ugu danbeyey in ka badan 10,000 qof oo lagula kacay kufsi tacadiyo ka dhan ah hablaha dhalinyaradha ah. Dhamaan inta badan dhacdooyinkan waxa la kulmay hablaha , dhaliyarada ee dugsiyad dhex sare iyo jamacadah ku jirta . Weli waa mid socota ,dhacdooyinkan ay soo tebinayaan dadkii wajahay nooc kast waa leeyihiin oo argagax iyo fajacba leh.
Waxa Wasiirka waxbashadu ( Gavin Williams) ku tilmaamay wax mujiciso iyo yaab!, ah oo aan la qaadan karin waxi hadda ka danbeeyan uu wax ka qabanayso wasarada uu madaxad ka yahay inta la xidhiidha Dugsiyada iyo qaybaha waxbasharada da,yarta ay maraan tacadigan ka soo debad baxay xadad la,aant ah. Waxa dhacdooyinka noocan ah debed u soo saaray ka dib dilkii loo geystay Saraha Everast ee loo qabtay Ninka aha booliska welina dacadeeda iyo doodaheed iyo muharaadkeedu socdaan . Sidda ay sheegtay Wasaradaha arimaha guduhu waxa la samaynaya Telephone u gaar ah oo dadku ku soo gudbiyaan dhacadooyinka u gaar ah xadgudubka dhanka aadmaha qof kasto wajahay ama la kulmay halkaan weli uu dhawici yahay mid uu la nool yahay qalbigisa ku ladhan .
Waxa dawladu dardar gelinaysa sidii ugu habooned wax looga qaban lahaa , waxa na hadda socod ololah sodii sharciyo cusub oo lagu xakamaynaayo loo sameyn laha sidda kale loo ogaan lahaa xogo-gaal iyo dhab ahaansha tacdiga kufsiga ah ee hadda debeda i soo baxay markaan qayb kast oo ummadda Boqortooyada Ingiriska ku nooli gaadhay qoys iyo qof ba .
 Si kastab ahaate Tacadigan iyo kusigan wadda socda waxa kaalmaha hore kagga jira dugsiyada dhexe iyo kuwa sare mid dawli ah iyo mid gaar loo leeyahay .Sidda ay tibaaxada laaanta Gudiga waxbasharada ee la yidhaahdo Nationla Education committee ayaa ku dhaqaaqays inay siddii ay ugu haboon ugga howl geli lahayd wax ka qabashada dhibaad debeda u soo baday ee baxad iyo saameynt weyn leh ee dalka oo dhan ah mid uu ka wadda siman yahay ama wadda gaadhay .
 Dhacdooyin ka badankoodu waxa ka dhaceen debeda dugsiyada taas oo ardeydu iskula kacdo o duvsiyadah ah iyo waxa kalo iyaddun ku lifaaqan tacadiga suuqiga ee ka dhanka ah da,yarta iyo umadda dhamaanteed mid dugsi dhigta iyo mid aan dhigan iyo haweenka mid marwo ah iyo mid wali inannimo ah. Waxa isagunna gaar ah oo dhinaciisa u socda tacadiga lamaanaha iyo qoysaska iyo jaaliyadaha ,ajahanebiga ka dhaca kaas oo isagunn ah mid saameyntiisu badan tahay , welib waxa aad u sii labba ka-leyey intii lagu jiray bandowga Covid-19 ee duniidu gashay gaar ahaan gudaha Boqortooyada Ingiriska oo bulshadaa mid dhalad ah iyo mid soo galooti ahba la soo gudboonaatay dhacdooyin aragagaxood iyo murugadood leh oo caruurta iyo haweenka iyo dadka kale jilicsan lagula kacay markii guryihihii lagu oodnay .
 Si kasta kastab ha noqote ,Adduunku waa ka siman yahay tacadiga Haweenka caruurta iyo dadka nugul lagula kacaayo waanna ku kala badan yahay marka laga qiyaas qaato dhacdooyinka Maali, lah iyo kuwa bilah iyo sanadkiiba la dara-seeyo , ummadda Diin haysata iyo mid aan Diin haysab sidda kale ah mid horumar gaadhay iyo mid aan gaaadhiba waxan taa sabab u aha waayo? Aadme ayaa loo yahay in gefka iyo xadgudubku dhaco . Ilahay uun ayaan gef iyo khaladkiisu ka dhacin ( SW T) balse aadamaha waxa ku waajib ah dhacada kasto la soo gudboonaata inuu uga howl galo sidda ugu wanaagsan ugun haboone xalkeed iyo cadaalada ah loogu helaayo qofka dulmane ah ku qancaayo ka wax dulmiyey na lahu abaal-marinaayo khaladka iyo gefka uu geystey noocu yahay ba . Waanna mid ummadd kast iyo dawlad kastaba ku waajib ah.
 Abokor Mohamud
Qore: Arimaha Bulshada Siyaasada iyo  Geeska afrika iyo aduunka kale ba .