Guddoomiyaha ku meel gaadhka ee Waddani waxay uu ku taliyay in xisbigoodu la soo baxo Maayarada Magaalooyinka waaweyn

 

Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde ayaa ku Baaqay In Xisbigu Uu Guntiga Dhiisha iskaga Dhigo sidii Uu Ula soo bixi Lahaa Mayorada Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka

“ Doorashadii (2017) waynu ognahay dhaawaca ay inoo gaysteen Maayarrada Gabiley, Hargeysa iyo Berbera, marka waa in aynu doorashadan ku guulaysano inta badan lixda magaalo ee waaweyn iyo Gabiley.”

Ma lihin aynu ku ololayno cashuurta dadka magaalooyinkaa laga ururiyo laakiin, waa meel aynu iska daboolayno, waa in labada Xisbi Mucaarad iskaashadaan oo maayarrada inta badan qaataan si aynu Kulmiye miciyaha uga saarno,” Cabdiqaadir Jirde Guddoomiyaha KMG ee xisbiga WADDANI.

Xigasho: Sagalnews.com