Akhlaaqda wacdi ma lagu baran karaa? (WQ: Dr-abdikarim D Hassan)

Maalinkasta oo jimce ah waxa masaajidadeena laga akhriyaa kumanaan khudbadood oo intooda badani ka hadlayaan dhaqanka wanaagsan. Intaas oo keli ah kuma koobna ee inta badan masaajidada waxa laga jeediyaa wacdi, waxa laga akhriyaa casharo diinta ku saabsan, waxa lagu qabtaa kulano balaadhan oo lagu lafo guro arimo dhaqanka suuban ku saabsan oo xoojinaya.

Waxa intaas dheer, caruurteenu waxay tagaan madarasado Qur’aanka iyo aqoonta diinta loogu dhigo oo ay mudo dheer ku jiraan; dadka maanta waalidiinta ah intooda badan ayaa iyana soo maray dugsi Qur’aan iyo waxbarashada masaajidka. Qur’aanka iyo aqoonta diintu waa durdurka ugu wayn ee akhlaaqda wanaagsan laga dhaansado; hadii aynaan bidhiqna darsan akhlaaqda Qur’aanka maxaynu isugu taxalujinaa??

Sidaas oy tahay, hadana akhlaaqda wanaagsani kama muuqato dariiq yadeena, goobaha shaqada, wadooyinka, suuqyada iyo guud ahaan nolosheena.

Cayda, sida hooyo cayga, iyo af-xumadu waa wax aan laga khashaafin; cunfiga iyo qalafsanaanta bilaa sababta ah ee bulshadeena dhextaal waa xad dhaaf. Shaqo-sagsaaga, laaluushka, wax isdaba marinta, isticmaalka maandooriye yaasha, beenta iyo khiyaamayntu waa dhaqan joogto ah oo maalin kasta aynu ka kulano.

Hadii aynu si cilmiyaysan bulshadeena ugu fiirsano waxa hubaal ah in aynu arki doono in ay inna haysato Mushkilad Akhlaaqeed. waxa la odhan karaa waa mushkilad qayb wayn ku leh maamul xumada, dib u dhaca dhaqaale, kala furfuranka qoyska, iyo wiiganka bulshada.

Hadaba, wacdiga tirada badan iyo barashada diinta ee aynu sida gaarka ah isaga xilsaarnaa maxay saamayn togan ugu yeelan waayeen akhlaaq bulshada. Miyaanu hadafkii ugu waynaa ee Nebigu صلي الله عليه وسلم ahayn dhamaystirka akhlaaqda wanaagsan markuu lahaa “إنمابعثت لاتمم مكارمالأخلاق” waxa la iisoo diray uun in aan akhlaaqda wanaagsan dhamaystiro.

Halkee wax ka qaldan yihiin, sidaynu u hagaajin karnaa dhaqankeena.