Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa kulan balaadhan la yeeshay Gudidda arimaha bulshada ee Golaha Wakiilada

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa kulan balaadhan la yeeshay Xubno ka mid ah Golaha Golaha Wakiillada JSL gaar ahaan Gudidda arimaha bulshada kaas oo aan ugu soo bandhignay Qabyo-qoraalka Xeerka Warbaahinta.

Xeerkan oo SOLJA ku hawlanayd  shantii sanno ee ugu dambeeyay oo dhawaan Golaha aan u gudbinay si loo ansixiyo.

Muhiimadda kulankanina ahaa in Xeerkan la isla eego oo la gorfeeyo loona diyaariyo dhabbihii ansixinta ee Golaha guud ee barlamaanka si loo helo warbaahin xor ah, masuul ah iyada oo uu hagayo Xeer la jaanqaadayaa wacyigan.