Bakteeriyo Cusub Oo Shiinaha Ka Dillaacday Ayaa Durba Boqollaal Qof Ku dhacday

Dawladda Shiinaha ayaa ka war heshay kumannaan muwaadiniinteeda ah oo uu ku dhacay xanuun bakteeriya ah oo cusubi. Sida ay shabakadda wararka ee CNN ku warramaysana waxa ay Bakteeriyadani ka soo fakatay warshad ay leedahay shirkad dawooyinka jeermidilaha ah (Antibaayootig) lagu sameeyo oo ku taalla woqooyiga galbeed ee dalkaas.

Guddida caafimaadka ee magaalada Lanzhou ee caasimadda gobalka Gansu ayaa sheegay in 3 kun iyo 245 qof uu ku dhacay xanuunka Buruseellaha (Brucella). Guddidu waxa ay sheegtay in shaybaadho hordhac ahi ay soo saareen kun iyo 401 ruux oo kale. Laakiin aan weli la soo sheegin wax dhimasho ah oo uu xanuunkani sababay.

Xanuunkan calaamadihiisa waxaa ka mid ah madax xanuun, muruqyada oo qofka aad u xanuunka, xummad badan iyo burbur jidhka ah.

Xanuunkan oo ay dhif tahay in qofka uu ku dhacaa uu cid kale u sii gudbiyo, ayaa siyaabaha lagu qaado waxaa ka mid ah:

– Taabashada neefka qaba Brucella

– Cunista cunto ay bakteeriyada Brucella raacday

– Bakteeriyadan oo qofka u raacda neefsiga.

Wararku waxa ay sheegayaan in Bakteeriyadani ay muddo u dhexeysay dabayaaqadii bishii Julaay 2020 illaa dabayaaqadii Ogos ay ka soo baxsatay warshadda lagu sameeyo dawooyinka bayoolajiga ah ee  Zhongmu Lanzhou.

Waxaana sababta loo malaynayaa Warshadda oo mar ay samaynaysay tallaal xoolaha laga ilaalinayo xanuunka Buruseella ay nadiifintii wasakhda u adeegsatay dareeraha wax lagu nadiifiyo oo waqtigiisu dhacay, sidaas awgeed aan awood u lahayn in uu Bakteeriyada dilo.

Bakteeriyadan ayaa markii ay bannaanka u soo baxday waxa ay ku gudubtay hawada, iyada oo maxadka Zhongmu Lanzhou oo ay bilowgii ku dhacday ku dishay 181 ruux, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee China oo lagu magacaabo Xinhua. Warku waxa uu sheegay in xanuunkani uu ku dhex fiday ardayda, bareyaasha iyo xubnaha guddida macallimiinta ah ee Lanzhou. Waxaana jira meelo iyo deegaanno aan ahayn intaas aynu xusnay oo xanuunka lagu arkay.

Coronavirus ayaa isaguna bishii Diisambar 2019 waxa uu markii ugu horreysay ka dillaacay dalka Shiinaha, waxa aanay dawlado Maraykanka iyo hay’ado madaxbannaani ay Shiinaha ku eedaynayaan in uu dunida u qariyey xanuunkan, sidaas awgeed soo shaacbaxa xanuunkani inkasta oo aan si dhayal ah lagu kala qaadin, haddana waxa uu walaac ku abuuray dunida oo xasuusan sida xdawaaraha ah ee uu Coronavirus oo Shiinaha ka soo biloqday bilo yar gudahooda daafaha dunida oo dhan ku gaadhay.

Xigasho: Marjaan Media