Sharciga oo lagu tunto
Waxa suura gasha oo dhacda in la xidho qof diiday inuu sameeyo xumaan foolxun, waxaana qofkaa xumaanta diiday inuu sameeyo xidhaya kii rabay in xumaantaa la sameeyo ama waxa dadka wanaagsan xidha ย mid ka mid ah kuwa dadka fasahaadiya ee xumaanta u horseeda.
Sharciguna waxba ma xidho, laakin dadka awooda haya ayaa wax xidha, waxayna noqon karaan ย kuwo aynu ย u ย igmanay inay ina maamulaan iyo kuwo kale oo xidhan shaadhka cida markaa talada haysa.
Tani waxa suuro galinaya nidaamka cadaalada ee wadankaas oo aan madaxbanaanayn, masuulku wuxuu ilaashanayaa mansabkiisa iyo dhaqaalaha yar ee kasoo gala xilka uu hayo, marka si uu xilkaas u hayo waa inuu raaligaliyaa cida markaasi wadanka ka talisa. Xilkana waxad ku joogaysaa sidaad daacad ugu tahay cid xilka kuu dhiibatay ee ย ku joogimaysid sida wanaagsan eed shaqadaada u gudato, waxaana la abaalmariyaa oo meel sare gaadha ย masuulka sidaasi yeela.
Qoorwaynta bulshada oo ka aamusta xaqa sheegidiisa
Qoorwaynta oo isugu jirta aqoonyahan, ganacsato, iyo culimo ย arkimaysid iyaga oo umadda xaqa iyo baadilka u kala saaraya ,sababtuna waxa weeyi ย iyaga oo ilaashana masaaliixdooda gaarka ah, waxayna ogyihiin in dawladdu weerar ย ku qaadayso danahooda gaarka ah haday ka hadlaan dhibaatooyinka ka dhacaya wadanka ee ay dawladd-xumadu masuulka ka tahay.
Ugu danbayn waxaad arki umadda inta ugu aqoonta yar oo ku murmaysa wixii dalka iyo dadkaba muhiimka u ahaa.