โHeestii Uu Laxanka Iyo Codka Ku Saaray Wakhiga Ugu Badanโ
Marxuun Daauud Cali Masxaf oo la weydiiyay heestii uu muddada ugu dheer laxanka ku saaro ayaa yidhi โAniga oo muddo kooban fanka ku jiray ayay Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq) oo fanka iiga horraysay in badani iga codsatay inaan laxanka u saaro heesta hadmaan dadab-gelaynnaa. Markii dambe ayaan u keenay aniga oo ku luuqaynaya, โwaa ayo qofka qaadayaa?โ ayay tidhi โwaa anigaโ ayaan idhi. Ma ay ogayn in aan heesaha ku luuqeeyo. Waxa ay tidhi โAbwaankii ayaan haddaa laba meeris oo kale oo inooga soo qaadayaaโ. Abwaan Axmed Ducaale Xiiray ayay ka soo qaadday ereyo kale. Sidaas ayaanu u wada qaadnayโ.
Waxa aad halkaa ka arkaysaa xurmada uu u hayay dadka ay isku xirfadda yihiin eek a waayo-aragnimada badan. Daauud Cali Masxaf waa sannadihii u dambeeyay ku noolaa dalka Jabuuti, waxaanu labadii guโ ee u dambeeyay u wareegay magaalada Jigjiga.
Waa tan heesti:
Maandeeq:
Sidii webi durdurayoo
Labadiisa daamood
Dooggii ka soo baxay
Dacalladu is dhaafeen
Laamaha dushiisana
Shimburuhu ku doodaan
Ama dayr samaatoo
Dadku nabad ku wada yaal
Duunyaduna fooftoo
Ku dareertay hawdkii
Waan ku doonayaayoo
Anigana daraaddaa
Indhihii i daalee
Naftaa kuu diyaaree
Dadka kaan doortow
Hadmaan dadab gelaynnaa?
Daauud
Sida calanka dooggaa
Farxad iyo damaashaad
Dadku uu sare-kacay
Kolka loo dabbaal-dego
Ama Doollo iyo Hawd
Dixidiyo dareemada
Mulacyeeyay daadkii
Adigoon dib ii dhigin
Duunyana an igu xidhin
Waan ku doonayaayoo
Anigana daraaddaa
Indhihii i daalee
Naftaa kuu diyaaree
Dadka kaan ta doortaay
Caawaan dadab-gelaynnaa
Maandeeq
Sidii dayrcad ramadoo
Doox raysle joogtoo
Duhurkii makay tahay
Mayay dihini uu helay
Durdurada dhasheedii
Hadba dacal ka dhaaftaan
Kuu daawadaayoo
Naxariista daymada
Naftaa kugu daweeyaa
Waan ku doonayaayoo
Anigana daraaddaa
Indhihii i daalee
Naftaa kuu diyaaree
Dadka kaan doortow
Hadmaan dadab gelaynnaa?
Daauud
Marka diiggu uu ciyo
Daakiraadda subaxdii
Duhurkiyo habeenkii
Duulaa sidaan ahay
Waxaa la i dul keenaa
Degmadaad ku nooshee
Naftu waxay dareentaa
Inaggoo dalxiisoo
Daallo aynu joognee
Waan ku doonayaayoo
Anigana daraaddaa
Indhihii i daalee
Naftaa kuu diyaaree
Dadka kaan ta doortaay
Caawaan dadab-gelaynnaa
Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo Daauud Cali Masxaf.